SlideShare uma empresa Scribd logo
1 de 6
Baixar para ler offline
KHUDBADDII GUDDOOMIYAHA JIILUL-AMAL EE SANAD GUURADDA
URURKA JIILKA RAJADDA (HOPE GENERATION)
Mudane Sayyidcali Xuseen Gaabane Taariikh: 16/10/2015.
BISMILLAAH
Culumaa'udiinka Soomaaliyeed
Madaxda Ururadda Dhalinyaradda
Madaxda Ururadda Bulshadda Rayidka Ah
Qurba Joogta iyo Saxaafadda
Haweenka iyo
Dhamaan Martida Sharafta leh
Anigoo ku hadlaaya magaca Ururka JIILKA RAJADA, (hope generation)
kana wakiil ah dhammaan xubnaha Golayaasha Kala Duwan Ee Ururka, naga
guddooma salaan diiran, ASC
Mudanayaal iyo Marwooyin
Waxaa Sharaf inoo ah inaad nagala soo qayb gashaan Munaasabadan
qiimaha iyo qaayaha leh, ee aan ugu dabbaal- Degeynno, Sanadguuradii 1-
aad ee kasoo wareegtay Aaas'aaska Ururka JIILUL-AMAL.
Mudanayaal iyo Marwooyin
Waxaan Hambalyo diiran Oo ku aadan Munaasabadan u dirayaa dhammaan
xubnaha rasmiga ah Ee JIILUL-AMAL meel kasta oo ay joogaan.
Madashan ma doonayo in aan ka jeediyo khudbad dheer oo aad ku hafataan,
ama aan waqtigiina qaaligaa idin kaga qaado . Xaashaa! Waxaan doonayaa
in aan si sar-ka-xaadis ah u guud maro wax-qabadkeennii, muddadii sanadka
ahayd ee aan shaqada haynnay ama aan hoggaankaba ka ahaa urukan.
Marka hore Ilaahaa ayay gallad iyo mahadiba u sugnaatay. Mar labaadka
waxaan halkan mahad aan duugoobin uga celinayaa Xubnaha Ururka JIILUL-
AMAL oo muddadaas Sanadka ah muujiyey Dhabar-adayg iyo Howl-karnimo
daacadi ay ku dheehan tahay.
Waxaan kaloon rabaa inaan Hortiina uga mahadceliyo dhamaan asxaabtii
gacanta nasiisay oo Hiil iyo Hoo Har iyo habeen ba noola taagnaa (Waad
mahadsan tihiin walaalayaal, saaxiibayaal)
Mudanayaal iyo Marwooyin
Afartaasi waa arar. Hoos aan u soo dego.
Sababihii aas'aaska Ururka
Sidaan Ognahay dhalinyaraddu waa xoogga bulsha kastaa leedahay, kuna
faanto. Waxaa hubaal ah in Bulshada soomaaliyeed tahay bulsho dhalin yar, ,
maadaama ay dhalin-yaradeedu ka fara badan yihiin waayeelkeeda.
Xooggaas iyo tamartaa dhalinyaraddu leedahay haddii aan loo howl galin sifa
wanaagsan, waxaa suurtagal ah in xoogaasi baaliyoobo, ama loo adeegsado
dano gaar ah oo aan Dalka, Dadka iyo Diintaba maslaxadi ugu jirin.
Sidaa Daraadeed, Inagoo ah Koox dhalin-yaro ah, ayaan garwaaqsannay
inaan mideynno, Caqligeenna, cilmigeenna, camalkeena iyo Cududdeenna.
Si aan u guddanno waajibaadka Qarankeenna naga saran.
Waxaa lama huraan noqotay inaan Aas'aaska u dhignno 1-dii MUXARRAM
1436H Oo ku beegnayd October, 2014-tii Urur dhalin-yaro oo Mug iyo Magac
ba ku dhexyeesha Bulshadda, isla markaana madal u noqda, mideeyana
dhalinyarada soomaaliyeed meel kastoo ay adduunka ka joogaan.
QEEXIDDA URURKA
Waxaannu nahay Urur Dhalin-yaro Madax-bannaan, Wadani ah Utaagan
Horumar Wadareed, iyo Shaqo Xidhiidh ah oo isdaba-taal, Taasoo looga
gol’leeyahay Xoojinta Wacyiga, Midnimadda, iyo Nabadda Dadka Iyo Dalka.
Saldhiggeenu waa Magaalada Moqdisho Ee Gobolka Banaadir, Wuxuu
leeyahay Ururku Laamo Farac Ka Ah oo ku baahsan Goboladda Dalka
Soomaaliya iyo dibadda ba.
Waxaannu nahay Urur Madaxdiisa Doorta, la xisaabtama kuna ababiya
dhalinyaradda is doorashadda iyo wada-tashiga.
Astaanta Ururka Waxay Ka Kooban Tahay: Shumac Ifaya Oo Labadiisa Jiho
(Midig Iyo Bidix) Ay Kaga Soo Socdaan Laba Qof Oo Gamcaha Is’haysta, Iyo
Magaca Ururka Oo Ku Kor Shabbadeysan.
Wakiillada aanu gobollada iyo dunidaba ku leenahay ayaa noo suuro-geliyay
in aanu xidhiidh wanaagsan oo walaaltinnimo la yeelanno bulshada
Soomaaliyeed ee kala geddisan ee ku kala fidsan dalka gudihiisa iyo
qaaradaha adduunka.
Tallaabadii taa xigtay waxay ahayd inaanu dhisnay Maamul
HAYKALKA URURKA
Sida ku cad Dastuurka Ururka, waxa uu ka kooban yahay Ururku:
Laba gole- Golaha Dhexe oo ah Golaha sar-gooya Howlaha Ururka iyo
Golaha Fulinta oo Fuliya Qorshe Howleedyada Loo Ikmaday.
Golaha Fulinta wuxuu ka kooban yahay:
Guddoomiye
G.Ku Xigeen
Xog'haye
Xafiiska Wacyi-gelinta
Xafiiska Tababaradda
Xafiiska Naadiyadda
Xafiiska Warbaahinta iyo xiriirka bulshadda
Xafiiska Qorshaynta Iyo Daraasaadka
Xafiiska Kormeerka iyo Qiimeynta iyo
Xafiisyo Kale oo Dhowr ah…..
.
Howlihii aan Soo Qabanay
Markii aan ku dhawaaqnay uruka, Durbadiiba waxaanu hawsha ka bilownay
sidii aanu u qori lahayn Dastuur kala haga howlaha ururka iyo shuruuc
lagama maarmaan ah.
Xafiiska Wacyi-gelinta
Xafiiska wacyi-gelinta oo ka mid ah xafiisyada laf-dhabarka u ah Ururka ayaa
soo qabtay howlo baaxad leh oo la taaban karo waxaana ka xusi karnaa:
1. Ol’olihii socday mudadii bisha ahayd, oo looga gollahaa ladagaalanka
Tahriibta, inagoo kusoo wareegnay iskuullo 20 ah oo ku yaala gobolka
banaadir.
Ololahaas waxaanu kula hadalnay kumayaal dhalinyaro soomaaliyeed
ah, oo maanka ku hayay inay tahriibaan.
wacyi-gelintaasi waxay raad ku reebtay dhalin-yaro fara badan oo
ilaahay sabab uga dhigay inay ka baaqsadaan tahriib.
Mahadi ha ka gaadhee waxaa howshaa hogaamiye ka ahaa Maxadii
Xafiiska wacyi galinya ee barigaa, mudane maxamed macalin aadan
(Barawaani).
2. Wax-qabadii muuqday ee xafiiska wacyi-gelinta, in badan oo idin ka
mid ah na ay marqaatiga ka ahaydeen, waxaa ka mid ahaa, soo
nooleynta munaasabaddo badan oo qaali ku ah umadda
soomaaliyeed, kuwasoo uu uruku boorka ka jafay si wanaagsana u u
xusay waxaana kami ahaa:
a) Munaasabaddii Sanadka cusub ee Hijradda 1436-dii (Oo aan
maantaba u dabbaan degeynno sanadkeedii kale)
b) Sadexdii Ciid ee sanadka ku jiray oo si quruxsan loo dhigay
c) Munaasabadihii wadaniga ahaa sida: 15-kii may maalinta dhalin-
yaradda soomaaliyeed, Dodobaadkii Xoriyadda iyo 1-dii Luulyo,
3. Runtii waxyaabihii aan aadka u xusuusto ee uu xafiiska wacyi-gelinta
qabtay waxaa ka mid ahaa, Muxaadaraad diini ah oo uu ka qabtay
degmooyin kala duwan ee gobolkan banaadir, kana faaiidaysteen
kumanaan dad ah kuwaasoo looga wacygelinaayay bulashada dhanka
akhlaaqda, wada noolaanshaha, iscafinta, iyo nabadda.
Ma Sheegi karno shaqooyinkii isdaba yiilay ee uu qabtay xafiiska
wacyi-gelinta. Isku soo duuboo waxaan dhihi karaa waa xafiiskii ugu
shaqada badnaa marka la barbar dhigo xafiisyada kale ee ururka.
Mudanayaal iyo Marwooyin
Waxaan rabaa sidoo kale inaan xuso Xafiiska naadiyada
Xafiiska Naadiyada waa xafiis ka kooban illaa hadda laba naadi oo
kala ah: Naadiga Akhriska oo looga gollahaa in lagu dhiiri geliyo
dhalinyaradda inay wax akhriyaan, iyo Sidoo kale Naadiga Hal
abuurka oo ay ku kulansan yihiin Suugaan-yahanno dad yar oo aan
ugu tala galnay inaan soo saarno masraxa Af-maalada Soomaaliyeed
si ay qayb uga noqdaan.
Naadiyadaas aan kor kusoo xusnay waxay leeyihiin barnaamijyo u
gaar ah oo qorsheysan.
Xafiiska Tababaradda:
Waxaa Xusid mudan , marnaba aan la hilmaami doonin, dowrkii Xafiiska
Tababaradda iyo Tartamadda oo Waab-hawleedyo (Workshops) iyo
tababarro loogu tala galay in lagu kobciyo maanka dhalinyaradda
soomaaliyeed qabtay.
Dhaliyaradaas waxaa lagu tababaray Tabo iyo xeelado nololeed oo lagama
maarmaan u ah Dhismaha mustaqbalkooda.
Wuxuu xafiiskaas joogto u qaban doonaa sida caadada u ahayd ba Hadduu
rabbi idmo Tababarro-xilliyeed (Vocational Training)
Waxaan rabaa inaan u mahadceliyo macalimiintii sida wadaniyadda ay ku jirto
uga qayb ahaa tababaradaas muddada socday……. (Waad mahadsan tihiin
macalimiin)
Waxa kale oo aanu diyaarinnay Qorshe-hawleedkii sannadkan noo bilowday
ee 1437H ilaa 1438-ka oo aanu ku salaynay baahidda bulshadu guud ahaan
gaar ahaan Dhalinyaradda u qabto dhanka wacyiga, aqoonta, tababaradda
iwm. Iyo sidasoo kale Soonoolayna Munaasabadaha Diiniga ah iyo Kuwa
Wadaniga ah ba.
Mudanayaal iyo Marwooyin
Waxaa laga yaabaa inay maankaaga kusoo dhacdo tolow yaa biila
ururkan, oo dhaqaalaha siiya???
Ururku Malaha Hay’ado ama shaqsiyaad maalgashada, Mana laha Ilo
dhaqaale oo uu ku tiirsan yahay, Waxaa alle mahaddiis ah in Mudadaas
sanadka ah aanu mushaaraadkeena ka mas’ruufaynnay- illaa hadana aan ka
masruufnaa- si aanu u buuxinno boos weyn oo ay dayaceen dadkeenii
waaweynnaa!!!
Waxaanu soo dhaweynaynaa cid kasta oo nagu garab istaagta Howshaan
baaxadda leh ee aan bulshadda u haynno, hiil iyo Hoo ba!!
Gebagebada waxaan halkan uga mahad-celinayaa jaamacadaha kala ah
Muqdisho University, Simad iyo Palazma oo dhammaantood na saaciday
hiilna noo muujiyay
Waxaan sidoo kale mar labaad u mahadcelinayaa dhammaan xubnaha kala
duwan ee uruka iyo sidii naf-hurka lahayd ee aad u la hawl-gasheen, aniga oo
idin ka rajaynaya in aad sidaa iyo si ka sii fiican u shaqayn doontaan
sanadkan cusub.
Ugu danbayn ururku waa madal ay ku mideysan yihiin Dhalinyaro
Soomaaliyeed oo aqoon-yahan ah, oo kutala-galkoodu yahay inay ku
ururiyaal dhalinyaradda sifo ay uga faa’iideeyaan tamarta ku jirta bulshadda
soomaaliyeed una diyaariyaan mustaqbalkooda maadaama ay yihiin dhalin-
yaraddu madaxdii berri.
Waxaan soo dhaweynaynaa Dhamaan Dhalinyaradda soomaaliyeed ee jecel
inay dalkooda iyo dadkooda wax u qabtaan, Soo dhawaada gacma furan
kusoo dhawaada markasta.
Ilaahay ha nagu gargaaro oo ha nagu astuuro hawlaha xasaasiga ah ee na
sugaya. Idinkuna Noo duceeya. Aammiin.
Gobannimo dadkaa mudan, Galladdana Allayska leh.
Gacal iyo Walaalo; Garabkeenna Baad tihiin.
Wabillaahi towfiiq
Wasalaamu calaykum waraxma tullaahi wabarakaatuhu
Khudbadda guddoomiyaha jiilul

Mais conteúdo relacionado

Mais de HOPE GENERATION

Effective communications for better leadership
Effective communications for better leadershipEffective communications for better leadership
Effective communications for better leadershipHOPE GENERATION
 
Introduction To Leadership
Introduction To Leadership Introduction To Leadership
Introduction To Leadership HOPE GENERATION
 
عمر يظهر في القدس
عمر يظهر في القدسعمر يظهر في القدس
عمر يظهر في القدسHOPE GENERATION
 
قصص من التاريخ
قصص من التاريخقصص من التاريخ
قصص من التاريخHOPE GENERATION
 
تقرير نادي القراءة لجيل الأمل
تقرير نادي القراءة لجيل الأملتقرير نادي القراءة لجيل الأمل
تقرير نادي القراءة لجيل الأملHOPE GENERATION
 
الثقة والإعتزاز بالنفس إبراهيم الفقي
الثقة والإعتزاز بالنفس إبراهيم الفقيالثقة والإعتزاز بالنفس إبراهيم الفقي
الثقة والإعتزاز بالنفس إبراهيم الفقيHOPE GENERATION
 
كيف تقرأ كتابا
كيف تقرأ كتاباكيف تقرأ كتابا
كيف تقرأ كتاباHOPE GENERATION
 
التربية وتكوين الشخصية
التربية وتكوين الشخصيةالتربية وتكوين الشخصية
التربية وتكوين الشخصيةHOPE GENERATION
 

Mais de HOPE GENERATION (9)

Effective communications for better leadership
Effective communications for better leadershipEffective communications for better leadership
Effective communications for better leadership
 
Introduction To Leadership
Introduction To Leadership Introduction To Leadership
Introduction To Leadership
 
عمر يظهر في القدس
عمر يظهر في القدسعمر يظهر في القدس
عمر يظهر في القدس
 
قوة التفكير
 قوة التفكير قوة التفكير
قوة التفكير
 
قصص من التاريخ
قصص من التاريخقصص من التاريخ
قصص من التاريخ
 
تقرير نادي القراءة لجيل الأمل
تقرير نادي القراءة لجيل الأملتقرير نادي القراءة لجيل الأمل
تقرير نادي القراءة لجيل الأمل
 
الثقة والإعتزاز بالنفس إبراهيم الفقي
الثقة والإعتزاز بالنفس إبراهيم الفقيالثقة والإعتزاز بالنفس إبراهيم الفقي
الثقة والإعتزاز بالنفس إبراهيم الفقي
 
كيف تقرأ كتابا
كيف تقرأ كتاباكيف تقرأ كتابا
كيف تقرأ كتابا
 
التربية وتكوين الشخصية
التربية وتكوين الشخصيةالتربية وتكوين الشخصية
التربية وتكوين الشخصية
 

Khudbadda guddoomiyaha jiilul

  • 1. KHUDBADDII GUDDOOMIYAHA JIILUL-AMAL EE SANAD GUURADDA URURKA JIILKA RAJADDA (HOPE GENERATION) Mudane Sayyidcali Xuseen Gaabane Taariikh: 16/10/2015. BISMILLAAH Culumaa'udiinka Soomaaliyeed Madaxda Ururadda Dhalinyaradda Madaxda Ururadda Bulshadda Rayidka Ah Qurba Joogta iyo Saxaafadda Haweenka iyo Dhamaan Martida Sharafta leh Anigoo ku hadlaaya magaca Ururka JIILKA RAJADA, (hope generation) kana wakiil ah dhammaan xubnaha Golayaasha Kala Duwan Ee Ururka, naga guddooma salaan diiran, ASC Mudanayaal iyo Marwooyin Waxaa Sharaf inoo ah inaad nagala soo qayb gashaan Munaasabadan qiimaha iyo qaayaha leh, ee aan ugu dabbaal- Degeynno, Sanadguuradii 1- aad ee kasoo wareegtay Aaas'aaska Ururka JIILUL-AMAL. Mudanayaal iyo Marwooyin Waxaan Hambalyo diiran Oo ku aadan Munaasabadan u dirayaa dhammaan xubnaha rasmiga ah Ee JIILUL-AMAL meel kasta oo ay joogaan. Madashan ma doonayo in aan ka jeediyo khudbad dheer oo aad ku hafataan, ama aan waqtigiina qaaligaa idin kaga qaado . Xaashaa! Waxaan doonayaa in aan si sar-ka-xaadis ah u guud maro wax-qabadkeennii, muddadii sanadka ahayd ee aan shaqada haynnay ama aan hoggaankaba ka ahaa urukan. Marka hore Ilaahaa ayay gallad iyo mahadiba u sugnaatay. Mar labaadka waxaan halkan mahad aan duugoobin uga celinayaa Xubnaha Ururka JIILUL- AMAL oo muddadaas Sanadka ah muujiyey Dhabar-adayg iyo Howl-karnimo daacadi ay ku dheehan tahay.
  • 2. Waxaan kaloon rabaa inaan Hortiina uga mahadceliyo dhamaan asxaabtii gacanta nasiisay oo Hiil iyo Hoo Har iyo habeen ba noola taagnaa (Waad mahadsan tihiin walaalayaal, saaxiibayaal) Mudanayaal iyo Marwooyin Afartaasi waa arar. Hoos aan u soo dego. Sababihii aas'aaska Ururka Sidaan Ognahay dhalinyaraddu waa xoogga bulsha kastaa leedahay, kuna faanto. Waxaa hubaal ah in Bulshada soomaaliyeed tahay bulsho dhalin yar, , maadaama ay dhalin-yaradeedu ka fara badan yihiin waayeelkeeda. Xooggaas iyo tamartaa dhalinyaraddu leedahay haddii aan loo howl galin sifa wanaagsan, waxaa suurtagal ah in xoogaasi baaliyoobo, ama loo adeegsado dano gaar ah oo aan Dalka, Dadka iyo Diintaba maslaxadi ugu jirin. Sidaa Daraadeed, Inagoo ah Koox dhalin-yaro ah, ayaan garwaaqsannay inaan mideynno, Caqligeenna, cilmigeenna, camalkeena iyo Cududdeenna. Si aan u guddanno waajibaadka Qarankeenna naga saran. Waxaa lama huraan noqotay inaan Aas'aaska u dhignno 1-dii MUXARRAM 1436H Oo ku beegnayd October, 2014-tii Urur dhalin-yaro oo Mug iyo Magac ba ku dhexyeesha Bulshadda, isla markaana madal u noqda, mideeyana dhalinyarada soomaaliyeed meel kastoo ay adduunka ka joogaan. QEEXIDDA URURKA Waxaannu nahay Urur Dhalin-yaro Madax-bannaan, Wadani ah Utaagan Horumar Wadareed, iyo Shaqo Xidhiidh ah oo isdaba-taal, Taasoo looga gol’leeyahay Xoojinta Wacyiga, Midnimadda, iyo Nabadda Dadka Iyo Dalka. Saldhiggeenu waa Magaalada Moqdisho Ee Gobolka Banaadir, Wuxuu leeyahay Ururku Laamo Farac Ka Ah oo ku baahsan Goboladda Dalka Soomaaliya iyo dibadda ba. Waxaannu nahay Urur Madaxdiisa Doorta, la xisaabtama kuna ababiya dhalinyaradda is doorashadda iyo wada-tashiga. Astaanta Ururka Waxay Ka Kooban Tahay: Shumac Ifaya Oo Labadiisa Jiho (Midig Iyo Bidix) Ay Kaga Soo Socdaan Laba Qof Oo Gamcaha Is’haysta, Iyo Magaca Ururka Oo Ku Kor Shabbadeysan. Wakiillada aanu gobollada iyo dunidaba ku leenahay ayaa noo suuro-geliyay in aanu xidhiidh wanaagsan oo walaaltinnimo la yeelanno bulshada Soomaaliyeed ee kala geddisan ee ku kala fidsan dalka gudihiisa iyo qaaradaha adduunka. Tallaabadii taa xigtay waxay ahayd inaanu dhisnay Maamul
  • 3. HAYKALKA URURKA Sida ku cad Dastuurka Ururka, waxa uu ka kooban yahay Ururku: Laba gole- Golaha Dhexe oo ah Golaha sar-gooya Howlaha Ururka iyo Golaha Fulinta oo Fuliya Qorshe Howleedyada Loo Ikmaday. Golaha Fulinta wuxuu ka kooban yahay: Guddoomiye G.Ku Xigeen Xog'haye Xafiiska Wacyi-gelinta Xafiiska Tababaradda Xafiiska Naadiyadda Xafiiska Warbaahinta iyo xiriirka bulshadda Xafiiska Qorshaynta Iyo Daraasaadka Xafiiska Kormeerka iyo Qiimeynta iyo Xafiisyo Kale oo Dhowr ah….. . Howlihii aan Soo Qabanay Markii aan ku dhawaaqnay uruka, Durbadiiba waxaanu hawsha ka bilownay sidii aanu u qori lahayn Dastuur kala haga howlaha ururka iyo shuruuc lagama maarmaan ah. Xafiiska Wacyi-gelinta Xafiiska wacyi-gelinta oo ka mid ah xafiisyada laf-dhabarka u ah Ururka ayaa soo qabtay howlo baaxad leh oo la taaban karo waxaana ka xusi karnaa: 1. Ol’olihii socday mudadii bisha ahayd, oo looga gollahaa ladagaalanka Tahriibta, inagoo kusoo wareegnay iskuullo 20 ah oo ku yaala gobolka banaadir. Ololahaas waxaanu kula hadalnay kumayaal dhalinyaro soomaaliyeed ah, oo maanka ku hayay inay tahriibaan. wacyi-gelintaasi waxay raad ku reebtay dhalin-yaro fara badan oo ilaahay sabab uga dhigay inay ka baaqsadaan tahriib. Mahadi ha ka gaadhee waxaa howshaa hogaamiye ka ahaa Maxadii Xafiiska wacyi galinya ee barigaa, mudane maxamed macalin aadan (Barawaani). 2. Wax-qabadii muuqday ee xafiiska wacyi-gelinta, in badan oo idin ka mid ah na ay marqaatiga ka ahaydeen, waxaa ka mid ahaa, soo nooleynta munaasabaddo badan oo qaali ku ah umadda
  • 4. soomaaliyeed, kuwasoo uu uruku boorka ka jafay si wanaagsana u u xusay waxaana kami ahaa: a) Munaasabaddii Sanadka cusub ee Hijradda 1436-dii (Oo aan maantaba u dabbaan degeynno sanadkeedii kale) b) Sadexdii Ciid ee sanadka ku jiray oo si quruxsan loo dhigay c) Munaasabadihii wadaniga ahaa sida: 15-kii may maalinta dhalin- yaradda soomaaliyeed, Dodobaadkii Xoriyadda iyo 1-dii Luulyo, 3. Runtii waxyaabihii aan aadka u xusuusto ee uu xafiiska wacyi-gelinta qabtay waxaa ka mid ahaa, Muxaadaraad diini ah oo uu ka qabtay degmooyin kala duwan ee gobolkan banaadir, kana faaiidaysteen kumanaan dad ah kuwaasoo looga wacygelinaayay bulashada dhanka akhlaaqda, wada noolaanshaha, iscafinta, iyo nabadda. Ma Sheegi karno shaqooyinkii isdaba yiilay ee uu qabtay xafiiska wacyi-gelinta. Isku soo duuboo waxaan dhihi karaa waa xafiiskii ugu shaqada badnaa marka la barbar dhigo xafiisyada kale ee ururka. Mudanayaal iyo Marwooyin Waxaan rabaa sidoo kale inaan xuso Xafiiska naadiyada Xafiiska Naadiyada waa xafiis ka kooban illaa hadda laba naadi oo kala ah: Naadiga Akhriska oo looga gollahaa in lagu dhiiri geliyo dhalinyaradda inay wax akhriyaan, iyo Sidoo kale Naadiga Hal abuurka oo ay ku kulansan yihiin Suugaan-yahanno dad yar oo aan ugu tala galnay inaan soo saarno masraxa Af-maalada Soomaaliyeed si ay qayb uga noqdaan. Naadiyadaas aan kor kusoo xusnay waxay leeyihiin barnaamijyo u gaar ah oo qorsheysan. Xafiiska Tababaradda: Waxaa Xusid mudan , marnaba aan la hilmaami doonin, dowrkii Xafiiska Tababaradda iyo Tartamadda oo Waab-hawleedyo (Workshops) iyo tababarro loogu tala galay in lagu kobciyo maanka dhalinyaradda soomaaliyeed qabtay. Dhaliyaradaas waxaa lagu tababaray Tabo iyo xeelado nololeed oo lagama maarmaan u ah Dhismaha mustaqbalkooda. Wuxuu xafiiskaas joogto u qaban doonaa sida caadada u ahayd ba Hadduu rabbi idmo Tababarro-xilliyeed (Vocational Training) Waxaan rabaa inaan u mahadceliyo macalimiintii sida wadaniyadda ay ku jirto uga qayb ahaa tababaradaas muddada socday……. (Waad mahadsan tihiin macalimiin)
  • 5. Waxa kale oo aanu diyaarinnay Qorshe-hawleedkii sannadkan noo bilowday ee 1437H ilaa 1438-ka oo aanu ku salaynay baahidda bulshadu guud ahaan gaar ahaan Dhalinyaradda u qabto dhanka wacyiga, aqoonta, tababaradda iwm. Iyo sidasoo kale Soonoolayna Munaasabadaha Diiniga ah iyo Kuwa Wadaniga ah ba. Mudanayaal iyo Marwooyin Waxaa laga yaabaa inay maankaaga kusoo dhacdo tolow yaa biila ururkan, oo dhaqaalaha siiya??? Ururku Malaha Hay’ado ama shaqsiyaad maalgashada, Mana laha Ilo dhaqaale oo uu ku tiirsan yahay, Waxaa alle mahaddiis ah in Mudadaas sanadka ah aanu mushaaraadkeena ka mas’ruufaynnay- illaa hadana aan ka masruufnaa- si aanu u buuxinno boos weyn oo ay dayaceen dadkeenii waaweynnaa!!! Waxaanu soo dhaweynaynaa cid kasta oo nagu garab istaagta Howshaan baaxadda leh ee aan bulshadda u haynno, hiil iyo Hoo ba!! Gebagebada waxaan halkan uga mahad-celinayaa jaamacadaha kala ah Muqdisho University, Simad iyo Palazma oo dhammaantood na saaciday hiilna noo muujiyay Waxaan sidoo kale mar labaad u mahadcelinayaa dhammaan xubnaha kala duwan ee uruka iyo sidii naf-hurka lahayd ee aad u la hawl-gasheen, aniga oo idin ka rajaynaya in aad sidaa iyo si ka sii fiican u shaqayn doontaan sanadkan cusub. Ugu danbayn ururku waa madal ay ku mideysan yihiin Dhalinyaro Soomaaliyeed oo aqoon-yahan ah, oo kutala-galkoodu yahay inay ku ururiyaal dhalinyaradda sifo ay uga faa’iideeyaan tamarta ku jirta bulshadda soomaaliyeed una diyaariyaan mustaqbalkooda maadaama ay yihiin dhalin- yaraddu madaxdii berri. Waxaan soo dhaweynaynaa Dhamaan Dhalinyaradda soomaaliyeed ee jecel inay dalkooda iyo dadkooda wax u qabtaan, Soo dhawaada gacma furan kusoo dhawaada markasta. Ilaahay ha nagu gargaaro oo ha nagu astuuro hawlaha xasaasiga ah ee na sugaya. Idinkuna Noo duceeya. Aammiin. Gobannimo dadkaa mudan, Galladdana Allayska leh. Gacal iyo Walaalo; Garabkeenna Baad tihiin. Wabillaahi towfiiq Wasalaamu calaykum waraxma tullaahi wabarakaatuhu