SlideShare uma empresa Scribd logo
1 de 35
Qoraal Loo Diyaariyey Wacyi-galimta
Nuxurka Bayaanka Dhismaha iyo
Magacaabista Sargalka Dhismaha ee loo
magacaabayo Magaalooyinka
Hider, 2013
1
Maamulka Magaalada Jigjiga
Hordhac
• In iyada oo uusan dalkeenna ka jirin sharci lagu hoggaamiyo wershedaha
dhismayaasha ee dalkeenna, ay si xawli ah u soo kobceen wershedaha dhismuhu,
taasina ay keentay in heer dal Dhismayaasha lagu soo hoggaaminayay Heerar
Farsamo (Technical Standard) loo dejiyey iyo sharciga fasaxa dhismayaasha ee laga
soo saaray heerka magaalooyinka;
• Si gol-daloolahaas jiray loo daboolana, waxaa la soo saaray Bayaanka Dhismaha ee
Lr. 624/2001 T.I. kaas oo si buuxda u dhaqangalay laga bilaabo Ginboot 2002 T.I.
Isla markaasna si bayaankan loo fuliyo loo soo saaray Xeerka Tirsigiisu yahay
243/2003 iyo Awaamiirta Fulineed ee Lr. 5/2003 T.I.;
• Bayaankan dhismaha oo sidii loo baahnaa u dhaqangala, waxa uu ka gacan
geysanayaa in waaxda dhismuhu si buuxda u sugto/xaqiijiso/ Caafimaad-qabka iyo
Bedbaadada shacabka, si taas loo dhaqangeliyana in dhamaan xubnaha hawl-
fulinta iyo xubnaha fulineedba si buuxda u gutaan waajibaadyada la siiyey ee
xaqiijinta dhismaha dhisme darajadiisu sugan tahay, u haboonaansho leh, dhisme
bedbaadadiisdu sugan tahay iyo sidii loo heli lahaa hab-isticmaal caddalad ah, cid
kastaana qaabkaas uga qaadato doorkeeda.
2
• Sidaa awgeed, si loo fidiyo nidaamka dhismaha wax ku oolka ah ee
nioocaas ah, waxaa loo baahan yahay in wakhtiga bayaanka ficil ahaan loo
dhaqangelinayo in magaalooyinka bayaankan laga dhaqangelinayo loo
magacaabo masuul loogu yeedho Sargaalka Xafiiska Dhismaha, kaas oo
hormood ka noqonaya in la dhaqangeliyo bayaanka.
• Maamulada magaalooyinkuna iyaga oo qaab waafaqsan Bayaanka iyo
shuruucda kale ee la hal-maasha magaalada ugu magacaabaya Sargaalka
dhismaha, una buuxinayo qaab-dhismeedka iyo nidaamyada shaqo ee
xafiisku u baahan yahay ayaa si waaxda dhismuhu kaalinta kaga aaddan
uga qaadato hirgelinta qorshaha Koboca iyo isbedelka (GTP), loo soo
diyaariyey dukumentigan wacyigelinta ee lagu kobcinayo fahanka.
3
Maamulka Magaalada Jigjiga
Dhibaatooyinka ka Muuqday Dhismaha Iyo Bixinta Fasaxa
Dhismaha
 Iyada oo wixii ka horeeyey soo saaristii bayaanka ay dhibaatooyin badani ka jireen dhinaca
qaab-socodka dhismayaasha, ayaa waxaa dhibaatooyinkaas ka mid ahaa:-
 Iyada oo uusan jirin nidaam wax ku ool ah oo lagu hoggaamiyo wershedaha dhinaca
dhismaha ee dalkeenna, taas awgeedna, inuusan jirin nidaam (Regulatory) ah oo lagu
hoggaamiyo hawlaha fasaxa dhismaha iyo dabagalka iyo la-socodka.
 Maadaama oo uusan jirin Bayaankan Dhismuhu dhismayaasha laga dhisayayay
dhamaan deegaanada iyo magaalooyinka dalka, gaar ahaan kuwa gaarka loo leeyahay
ayaa waxay ahaayeen:-
 Kuwa aysan sugnayn tayada iyo heerkoodu;
 Kuwo aan lagu samayn jirin wax dabagal & la socod ah.
4
Dhibaatooyinkii…
 Ma jirin nidaam lagu xaqiijiyo in dhismayaasha hawshooda
dhismaha ay fulinayeen Qandaraaslayaal iyo la-talin leh tayada
iyo heerka loo baahan yahay, sharci ahaana ugu diiwaan gashan
daraasada naqshadaha iyo dhismaha.
 Ma jirin nidaam lagu xaqiijiyo in dhismayaasha hawshoodu
dhamaatay hawshooda lagu dhameeyey qaab waafaqsan
naqshada iyo daraasadooda, sidoo kalana u qalmaan bixinta
adeegii looga dan lahaa.
 Lama fidinin nidaamka dabagalka iyo la socododka oo lagu in
dhismayaasha lagu fuliyey qalabyada iyo alaabada dhismaha oo leh tayada
looga baahan yahay.
 Iyada oo dhamaan deegaanada iyo ismaamulada magaalooyinka uusan ka jirin
nidaam wax ku ool ah oo loo raaco bixinta fasaxyada dhismaha.
 Wersheda Dhismaha oo aan ahayn mid lahayd nidaam lagu sugo caafimaad-
qabka iyo bedbaadada waaxdan. Iyo sidoo kale;
 Ka-salgaadhida dadka laxaadkoodu dhiman yahay oo aysan jirin xaalad khasbi
karta in la gaadhsiiyo adeegyadan.
5
Doorka uu Bayaanka dhismuhu ku leeyahay xalinta dhibaatooyinkaas jiray
 Waxa uu suuro geliyey in la helo nidaam wax ku ool ah oo heer dal lagu hoggaamiyo
hawlaha dhismaha;
 Iyada oo xirfadlayaasha ama shirkadaha la talinta ama qandaraaslayaashu iyaga oo
raacaya naqshada daraasaadka iyo dhismayaasha dhisaan dhismayaal buuxinaya
shuruudihii looga baahnaa;
 In hanaanka fasaxa dhismuhu dhamaan deegaanada uga dhaqan galo qaab wax-ku-ool
ah;
 In marka la bixinayo fasaxa si cad loo xaqiijiyo in daraasada naqshada dhismuhu
buuxinayaan shuruudaha ku haboon;
 In la fidiyo nidaam lagu dabagalo inay dhismayaashu buuxinayeen shuruudihii dhinaca
tayada ee looga baahnaa;
 In marka la dhamaystiro dhismayaasha u adeegaya shacabka aan la iska adeegsan iyada
oo aan la qaadanin fasaxa isticmaalka dhismaha;
6
…Doorka uu Bayaanka dhismuhu ku leeyahay xalinta dhibaatooyinkaas
jiray
 Iyada oo la suurto gelinayo sidii baahida dhinaca dhismaha ee bulshada ee
iyadu ka dhalatay koboca xawliga aadka u sareeya ee wershedaha
dhismuhu inay noqoto mid waafaqsan nidaam shaqeedka xiliyeedka ah, in
la suuro geliyo sidii loo dhisi lahaa dhismayaal leh firfircooni isla
markaasna loogu xisaabtamo bedbaadada iyo rabitaanka bulshada;
 Si looga hortago wakhtiga iyo hantida badan ee ku daayacmaysa tayo
xumada dhismayaasha awgeed in la fidiyo sidii loo hirgelin lahaa nidaam
casri ah oo taas ka hortagaya;
 In la helo xaalad khasbi karta in geedi-socodka dhismaha ay jirto xaalada
caafimaad-qabka iyo bedbaadada bulshadu;
 In la helo xeerar lagu dhaqangeliyo in dhismayaasha loo dhisayo adeega
bulshada lagu xisaabtamo ka faa’iideysiga dadka laxaadka wax uga dhiman
yahay, wuxuuna suurto gelinayaa in la helo dhismayaal loo dhiso tayada
iyo heerka looga baahan yahay.
7
Dulucda Bayaanka Dhismaha
 Qaybvaha ugu waaweyn ee Bayaanka Dhismaha Itoobiya:-
– Fasaxa Dhismaha, Dabagalka iyo La socodka dhismaha;
– Fasaxa Isticmaalka Dhismaha;
– Xilka masuuliyadeed iyo la-xisaabtanka xirfadlayaasha dhismaha, la-
talinta iyo qandaraaslayaasha;
– Shuruudaha ugu hooseeya ee looga baahan yahay nashadaha
dhismayaasha;
– Taxadarka loo baahan yahay in la yeesho wakhtiga dhismaha (Arrimaha
Caafimaadka iyo Bedbaadada)
– Ka-sal-gaadhida Dadka laxaadka la’;
– Shaqooyinka laga qabto goobta dhismaha;
– Diyaar-garowga loo samaynayo dadka naafada ah;
– Kahortaga Khatarta Dabka (Dab-demis);
– Xeerarka la hal-maala Shuruucda Dhismaha.
8
Diyaar-garowga laga sameeyey Fulinta Bayaanka
 Si loo fuliyo bayaanka waxaa loo diyaariyey Xeeraka iyo Awaamiirta Dhismaha;
 Waxaa la fidiyey nidaam ay wadashaqayn loo dhan yahay ku wadaagi karaan Deegaanada
iyo Magaalooyinka ay Wasaaradu la wadaagayso xidhiidhka;
 Wakhtigii la diyaarinayay xeerka iyo Awaamiirta fulinta bayaanka oo si buuxda looga qayb
geliyey kuwa doorka ku leh , lana wacyigeliyey;
 Bayaanka, Xeerka iyo awaamiirta ayaa loo wada qaybiyey dhamaan qaybaha ay khusayso.
9
Hawlaha ay deegaanada iyo magaalooyinku u qabanayaan
fulinta Bayaanka
 Waxay magaalooyinka ka fidinayaan qaab-dhismeedyada fulin kara bayaanka
dhismaha (oo ay ku jirto Magacaabida Sargaalka dhismaha), in dhismayaasha laga
dhigo kuwo waafaqsan heerkooda derejo loona hoggaamiyo qaab nidaam leh
(Q/dhismeedka Xafiiska Sarkaalka oo loo dhisayo qaab uu u hoostago Mayor-ka
magaalada);
 In magaalooyinka laga fulinayo bayaanka dhismaha , si ay suurto gal ugu noqoto in
hawlaha Fasaxa dhismaha, dabagalka iyo la socodka loo hoggaamiyo qaab wax ku
ool ah, in Qaybaha shaqo ee Bixinta fasaxa dhismaha, dabagalka iyo la-socodka
qaab u haboon fulinta bayaanka loo hoos geeyo Xafiiska Sargaalka dhismaha;
 In la suuro geliyo in qaab-dhismeedka u abuurmaya fulinta bayaanka dhismaha si
habsami ah loogu buuxiyo cudud shaqo oo dhamaystiran, heerkii loo baahnaana
buuxinaysa;
 In la bixiyo fursadaha kobcinta awooda oo lagu dhaqangelin karo bayaanka;
 Iyada oo xidhiidh adag lala wadaagayo Federaalka in la dabagalo habka fulinta
bayaanka, in la kantaroolo isla markaasna qaab-socodka fulintiisa laga geysto
taakulaynta ku haboon;
10
Xilka iyo Waajibaadka ay Magaalooyinku ku leeyihiin Dhaqangelinta
Bayaanka Dhismaha
 Maamulada Magaalooyinka oo iyagu ah cida dabagalka ugu dhow ku samaynaysa arrimaha khuseeya
bulshadooda ku nool magaalooyinkooda isla markaasna iyagu fulinaya;
 209 magaalo oo uu ka dhaqangalayo bayaankan dhismaha ee xubinta ka ah adeegyada horumarinta
magaalooyinku, si ay u fuliyaan bayaankan una dabagalaan habka fulintiisa, ayaa waxaa looga baahan
yahay in maamulka magaaladu ama cida uu u meeleeyo maamulka magaaladu amaase cida ka wakiilka
ahiba si buuxda u magacaabaan Sargaalka Xafiiska dhismaha ee isagu fulin kara Bayaanka iyo Shuruucda
kale ee dhismaha;
 Magaalooyinka ay awoodoodu ka hoosayso inay magacaabaan sargaalka dhismaha ayaa Qodobka 58(3) ee
Bayaanka waxa uu dhigayaa in Deegaanku awoodi karo inuu qaab u wakiilasho ah sargaalka dhismaha ee
magaalo kale ugu xilsaaran karaa fulinta bayaanka dhismaha, qaabkaasna adeegan loo gaadhsiiyo
magaalada;
11
Faahfaahinta Hawlaha loo fulinayo dhaqangelinta bayaanka
dhismaha
 Bayaanka Dhismaha ee Itoobiya, waa bayaan suurto gelinaya, si loo xaqiijiyo caafimaad-qabka
iyo bedbaadada shacabka, in dhinaca marka la fulinayo dhismaha ama dib u habaynta ama
isbedelka adeega dhismahaba, inay guud ahaan waxyaabaha laga dhaqangelinayo dalka
dhinacooda ka go’aamin karaan shuruudaha ugu hooseeya (minimum).
 Bayaankani waxa uu fulitaan sharci ku yeelanayaa dhismayaasha laga samaynayo magaalooyinka
shacabka ku nooli ay dhan yihiin 10,000 oo qof, kuwa laga dhisayo magaalooyinka tirada
shacabkoodu ka hoosayso 10,000 oo qof iyo xataa dhismayaasha adeega shacabka (Public
buildings) iyo kuwa kale ee lagu qeexay bayaanka ee laga dhisayo meelaha ka baxsan
magaalooyinka.
 Fulinta Bayaankan waxaa ugu horayn kow ka ah waxyaabaha la samaynayo in la magacaabo
sargaalka dhismaha, isla markaasna xafiiskiisa loo buuxiyo qaab-dhismeedyada iyo nidaamyada
shaqo ee la halmaala /Cudud shaqaale, qalab iyo tababaro kobcineed, iwm).
12
Faahfaahinta Hawlaha loo fulinayo dhaqangelinta bayaanka
dhismaha…
 Habka fulinta bayaanka dhismaha Itoobiya iyo Magacaabista Sargaalka Dhismaha
 Waxyaabaha ugu waaweyn ee dulucda Bayaanka Dhismaha Itoobiya waxaa ugu horeeya:-
• Magacaabida sargaalka dhismaha iyo qaab-dhismeedyada soo raaca;
• Sargaalka dhismaha oo ah xubinka halbowlaha u ah isla markaasna masuuliyada
koowaad ku leh fulinta bayaanka dhismaha.
• Sargaalka dhismaha oo ah qofka tunka u ridanaya dhaqangelinta bayaanka dhismaha,
xilka iyo masuuliyada iyo la-xisaabtanka ugu horeeyana leh.
 Dhinaca kale, si loo fuliyo Bayaanka waxaa loo baahan yahay saddexda nidaam-shaqo ee ugu
waaweyn ee hoos ku xusan:-
1. Baadhida xogta lahaanshaha iyo xogta bilaanka/ Isu-Hubinta;
2. Iyada oo naqshadaha dhismaha loo qiimaynayo qaab waafaqsan bayaanka, xeerka,
awaamiirta iyo cadaymaha kale ee fulineed, in la siiyo fasaxa dhismaha;
3. In dabagal lagu sameeyo dhismaha lana siiyo fasaxa isticmaalka;
 Saddexda heerba waxaa lagu fulinayaa shaqada habaynta xogta.
13
Faahfaahinta Hawlaha loo fulinayo dhaqangelinta bayaanka
dhismaha…
• Si loo qabto hawlaha kor lagu soo sheegay, waxaa lagama maarmaan ah in la
aasaaso dhismaha saddex kooxood oo ka kooban xirfadlayaal kala duwan.
• Kooxahani Guud ahaan, qaab-dhismeedka Maamulka magaalada heerka ay kaga
jirayaani waxay ku xidhan tahay hadba baaxada weynaanta ee magaalada.
• Koox kasta tirada xirfadlayaasha ee ay yeelaysaana waxay ku kala duwanaan
kartaa magaalo kasta Dhaqdhaqaaqyadeeda dhismaha ee ka jira.
• Guud ahaan, xafiiska sargaalka dhismuhu waxa uu yeelanayaa qaab-dhismeedkan
hoos ku xusan:-
14
Qaab-dhismeedka Xafiiska Sargaalka
Dhismaha
Sargaalka Dhismaha
Kooxda Arrimaha
Xogta Bilaanka/ Isu-
Hubinta iyo Xogta
Lahaanshaha
Kooxda Qiimaynta
iyo Fasaxa
Dhismaha
Kooxda dabagalka iyo
fasaxa isticmaalka
dhismaha
15
Hawlaha la qabanayo iyo xirfadlayaasha loo baahan yahay
Hawlaha la qabanayo
 Baadhida Lahaanshaha
In loo eego Bilaanka Magaalada
iyo xogaha kale lalana galo Isu-
Hubinta
 Habaynta xogta
 Qiimaynta Naqshadaha
 Siinta Fasaxa Dhismaha
 Habaynta xogta
 In lagu sameeyo dabagal joogto
ah iyo mid lama filaan /kedis/
ah
 In la siiyo fasaxa isticmaalka
 Habaynta xogta
Xirfadlayaasha loo baahan yahay
Hoggaamiye kooxeed Hoggaamiye kooxeed Hoggaamiye kooxeed
1. Xirfadlaha Bilaanka Magaalada
ama Xirfada la midka ah/
Tiraduna- hadba intii loo baahdo
1. Architect
2. Structural/ Civil Engineer
3. Sanitary/Civil Eng.
4. Electric Eng.
5. Electro-mechanical Eng/ tiraduna
hadba intii loo baahdo/
1. Building Engineers ama
Xirfada la midka ah /tiradu intii
loo baahdo/
16
… Wuu sii socdaa
• Maadaama oo aan sargaalka xafiiska dhismaha laga rejeynayn inuu
dhamaan noocyada xirfada aqoon iyo khibrad u wada yeesho,
xirfadlayaashan qaab-dhismeedka loogu darayaa waxay ka gacan
siinayaan dhinaca xirfadaha.
• Maadaama oo xilka, waajibaadka iyo la-xisaabtanka ugu weynba saaran
yahay Sargaalka Xafiiska Dhismaha, waxaa loo baahan yahay inuu
wakhtiga qaab-dhismeedkiisa la habaynayo ka qaybgal hormoodnimo ah
ku yeesho. Sidaas awgeed, ugu horayn cida la magacaabayaa waxay
noqonaysaa sargaalka xafiiska dhismaha. Markaas kedib ayuu isagu ka
qaybgal hormoodnimo ah ku yeelanayaa meelaynta qaybaha kale ee qaab-
dhismeedka.
17
Boosaska uu Q/Dhismeedka Guud kaga dhismayo
Q/dhismeedka Sargaalka Xafiiska Dhismuhu
 Isaga oo qaab-dhismeedka sargaalka dhismuhu uu noqonayo mid ku kala duwan xaaladaha u gaarka ah
deegaanada iyo magaalooyinka, ayaa waxa uu yeelanayaa noocyada qaab-dhismeed ee hoos ku xusan:-
• Deegaanada Tigray, Amhara, Koonfurta iyo Oromiya qaab-dhismeedka ay yeelanayaani waxa uu
noqonayaa mid gudaha qaab-dhismeedyadooda heerarka kala duwan ee dhismaha magaalooyinka iyo
waaxda dhismaha iyo Nidaamka toosinta/regylatory/ kaas oo la waafajinayo loona eegayo qaab-
dhismeedka Diyaarinta iyo Fulinta Shuruucda Dhismaha ee Wersheda Dhismaha.
• Deegaanada u baahan Taakulaynta gaarka ahna, waxa uu qaab-dhiismeedka ay yeelanayaani noqonayaa
mid loo dheelitiro Geedi-socodka Diyaarinta iyo Fulinta shuruucda wershedaha dhismaha ee Waaxda
horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha.
• Maamulka Magaalada Addis Ababana, iyada oo uu noqonayo qaab-dhismeed hoos tagaya Xafiiska
Maaraynta Horumarinta Dhulka iyo Fasaxa Dhismaha, ayaa sidoo kale waxaa 11-ka Waax-magaaleedba
looga dhisayaa qaab u dheelitiran.
• Maamulka Magaalada Diri-dhabana waxa uu noqonayaa qaab-dhismeed hoos tagaya Xafiiska Maaraynta
Horumarinta dhulka iyo fasaxa Dhismaha.
• Iyada oo qaab-dhismeedka fasaxa iyo dabagalka dhismayaasha magaalooyinku noqon doono mid ku kala
duwanaanaya magaalo iyo tirada shacabkeeda, ayaa qaabka hoos ku xusan loo soo dhigay qaab-dhismeedyo
muunad ah oo lagu saleeyey tirada shacabka magaalo iyo tuirada xirfadlayaasha ee loo baahan karo.
18
A. Q/dhismeedka Muunada ah ee Fasaxa iyo dabagalka Dhismaha ee
Magaalooyinka tirada shacabkoodu
gaadho 10 kun ilaa 50 kun
Geedi-socodka Fasaxa iyo
Dabagalka Dhismaha
Kooxda Isu-Hubinta
Bilaabka, Xaqiijinta
Lahaanshaha iyo Fasaxa
Dhismaha
Kooxda La-socodka
dhismaha iyo Fasaxa
Isticmaalka
Magaca Q/Dhismeedkuna Waa “Geedi-socodka Fasaxa iyo Dabagalka Dhismaha ee
Maamulka Magaalada__________________.”
Hoggaamiyaha Q./dhismeedkana waxaa loogu yeedhi karaa “Sargaalka Xafiiska Dhismaha ee
Maamulka Magaalada /W/Magaaleedka _________________”.
19
B. Q/dhismeedka Muunada ah ee Fasaxa iyo dabagalka Dhismaha ee
Magaalooyinka tirada shacabkoodu gaadho 50 kun ilaa 100 kun
Geedi-socodka Fasaxa iyo
Dabagalka Dhismaha
Kooxda Isu-Hubinta
Bilaanka iyo Xaqiijinta
Lahaanshaha
Kooxda Fasaxa Dhismaha
Kooxda La-socodka
dhismaha iyo Fasaxa
Isticmaalka
Magaca Q/Dhismeedkuna Waa “Geedi-socodka Fasaxa iyo Dabagalka Dhismaha ee
Maamulka Magaalada__________________.”
Hoggaamiyaha Q./dhismeedkana waxaa loogu yeedhi karaa “Sargaalka Xafiiska Dhismaha ee
Maamulka Magaalada /W/Magaaleedka _________________”.
20
C. Q/dhismeedka Muunada ah ee Fasaxa iyo dabagalka Dhismaha ee
Magaalooyinka tirada shacabkoodu gaadho 100 kun ilaa 250 kun
Xafiiska Fasaxa iyo
Dabagalka Dhismaha
Kooxda Isu-Hubinta
Bilaanka iyo Xaqiijinta
Lahaanshaha
Kooxda Fasaxa
Dhismaha
Kooxda La-socodka
dhismaha iyo Fasaxa
Isticmaalka
Magaca Q/Dhismeedkuna Waa “Xafiiska Fasaxa iyo Dabagalka Dhismaha ee Maamulka
Magaalada__________________.”
Hoggaamiyaha Q./dhismeedkana waxaa loogu yeedhi karaa “Sargaalka Xafiiska Dhismaha ee
Maamulka Magaalada /W/Magaaleedka _________________”.
21
D. Q/dhismeedka Moodeelka ah ee Wakaalada Fasaxa iyo Dabagalka
Dhismaha ee Magaalada Addis Ababa
iyo Diri-dhabe
Wakaalada Fasaxa iyo
Dabagalka Dhismaha
G/socodka Isu-Hubinta
Bilaanka iyo Xaqiijinta
Lahaanshaha
G/Socodka Fasaxa
Dhismaha
Geedi-socodka dabagalka
dhismaha iyo Fasaxa
Isticmaalka
Magaca Q/Dhismeedkuna Waa “Wakaalada Fasaxa iyo Dabagalka Dhismaha ee Maamulka
Magaalada Addis Ababa/ Diri-dhabe.”
Hoggaamiyaha Q./dhismeedkana waxaa loogu yeedhi karaa “Sargaalka Xafiiska Dhismaha
ee Maamulka Magaalada Addis Ababa/ Diri-dhabe ”.
22
Xilkla & Waajibaadka Q/dhismeedka
 Kooxda Xogta Qorshe-hagaha/ U hubinta iyo Xaqiijinta Xogaha lahaanshaha ayaa waxay
leeyihiin xilka iyo waajibaadyadan hoos ku xusan:-
• Hawlaha Xaqiijinta Lahaanshaha;
• Isu-hubinta is-waafaqsanaanta Bilaanka iyo cadaymaha lahaanshaha, kuwaas oo loo
eego qorshe-hagaha magaalada iyo xogaha la halmaala iyo bixinta heshiiska
waafaqsanaanta bilaanka;
• Habaynta xogta፣
 Kooxda Qiimaynta Naqshadaha iiyo Fasaxa dhismaha oo hawlahooda ugu waaweyni yihiin
qiimaynta naqshadaha, bixinta fasaxa dhismaha iyo habaynta xogta, ayaa waxa kaloo ay
fulinayaan waajibaadyadan:-
• Inay qabtaan codsiyada dalabka fasaxa dhismaha;
• Xaqiijinta u dhamaystirnaanta xogihii looga baahnaa;
• Loo adeegaha oo ay ka shubaan kharashka adeega;
• Baadhista Naqshadaha iyo codsiyada loo soo dhaweeyey;
• Inay kuwa baadhista ku gudbi waayey ee xilli kale dib laga saxayo u celiyaan loo
adeegaha;
• Marka uu fasaxo Sargaalka Dhismuhu inay loo adeegaha ka shubaan kharashka
adeega siiyaana fasaxa dhismaha;
23
…. Xilkla & Waajibaadka Q/dhis
 Kooxda Dabagalka Dhismaha iyo Fasaxa Isticmaalka oo iyagana waajibaadkooda ugu weyni
yahay dabagalka dhismaha oo joogtaysan, dabagal kedis ah iyo siinta fasaxa isticmaalka iyo
habaynta xogta ayaa waxa kaloo ay leeyihiin waajibaadyadan:--
• Xaqiijintainay u dhan yihiin xogaha loo adeegsan lahaa dabagalka dhismaha;
• Dabagal ay ku xaqiijiyaan in loo adeeguhu dhismaha ku bilaabay wakhtiga lagu siiyey
fasaxa dhismaha;
• Iyada oo la raacayo qaab waafaqsan Ogeysiiska Irkinka ee Dhismayaasha heerka “C”
inay xaqiijiyaan qaab-socodka shaqada;
• Inay xaqiijiyaan in dhismaha heerka “C” ee adeeg bixinta bilaabay la siiyey fasaxa
isticmaalka dhismaha;
• Inay dabagal ku sameeyaan in dhismayaasha ka socda maamulka magaalada ama
deegaanka ay metelayaan loo wado qaab waafaqsan fasaxa dhismaha.
24
Baahida Cududa Shaqaale, Qalabka iyo Dhismaha Xafiis ee
Xafiiska Sargaalka Dhismaha
 Baahida Cududa Shaqaale
• Cududa shaqaale ee Xafiiska Sargaalka Dhismuhu Waxay ku kala duwanaanaysaa hadba
dhaqdhaqaaqyada dhismaha ee magaalo kasta ka jira;
• Inta ugu badan magaalooyinka uu bayaankani ka dhaqangalayo, iyada oo lagu
xisaabtamayo magaalo iyo heerkeeda, lana raacayo halbeega qiyaas qaadashada cududa
shaqo ee sarraysa iyo mida heerka hoose, ayaa hadana la filayaa in cududa shaqo noqon
karto laga bilaabo 8—21 Qof;
• Faahfaahinta waxaad ka eegtaa Shaxda 1 ee hoose:-
25
Shaxda 1፡ Qiyaasta Cududa Shaqaale ee uu u baahan yahay Sargaalka Dhismuhu
T/T Qaybta Shaqo Cadadka Xirfadlayaasha
1 Kooxda Xogaha lahaanshaha iyo u hubinta Bilaanka 13
2 Kooxda Qiimaynta Naqshada & Fasaxa Dhismaha 36
3 Kooxda Dabagalka Dhismaha iyo Fasaxa Isticmaalka 31ዐ
4 Xafiiska Sargaalka Dhismaha 12
Wadarta Guud.. .. .. .. 821
Xusuusin:- Shuruudaha heerarka waxbarasho iyo waaya’aragnimada shaqo ee
looga baahan yahay xirfadlayaasha iyo shaqaalaha xafiiska sargaalka dhismaha
waxaa lagu faahfaahiyey Bayaanka, Xeerka iyo Awaamiirta Dhismaha.
26
Baahida Xafiis
• Marka lagu xisaabtamo in halkii xirfadle uu u baahan yahay qol xafiis oo ku fadhiya 4 K/m, laguna
xisaabtamo cududa shaqaale ee lagu soo faahfaahiyey shaxda 1 ee sare, isla markaasna qorshaha lagu
darsado in Sargaalka Dhismuhuna u baahan yahay xafiis buuxa oo u gaar ah isaga sidoo kalana heerka
baahida aan u kala eegno Sare iyo Hoose, baaxada xafiisku waxay gaadhi kartaa 60K/M—110K/M.
Faahfaahintana ka eeg shaxdan 2 ee hoos ku xusan:-
Shaxda 2:- Hal-beega Qiyaasta Ee Caddadka Xirfadlayaasha Ay U Baahan Yihiin Qaab-
dhismeedyada Muunada ah Ee Ku Xusan “A” Ilaa “D” oo Ku Salaysan Tirada Shacabka
Magaalooyinka
Qayba
Q/Dhismeedka
Muunada ah
G/Socodka
Xaqiijinta
Lahaanshaha
iyo U-hubinta
Bilaanka
G/Socodka
Qiimaynta
Bilaanka iyo
Fasaxa
Dhismaha
G/Socodka
Dabagalka
Dhismaha iyo
Fasaxa
Isticmaalka
Xafiiska
Sargaalka
Dhismaha
Wadarta
Xirfadlayaasha
Baahida
Qolalka
Xafiiska oo
Karameter
ahaan ah
A 1 3 1 1 8 50
B 2 4 4 1 11 70
C 3 5 6 2 16 90
D 3 6 10 2 21 110
27
Diyaarinta Dukumentiyada
 Iyada oo si loo dhaqangeliyo Bayaanka Dhismaha Dukumentiyada loo baahan yahay ay ka
mid yihiin Bayaanka Dhismaha Itoobiya, Xeerka Dhismaha iyo Awaamiirta Dhismaha iyo
sidoo kale 11-ka Koodhasha heerarka Dhismayaasha Itoobiya (Ethiopian Building Code
Standards) ayaa waxaa lagu hawllan yahay in dukumentiyadan laga sameeyo koobiyo ku
filan deegaan walbana la siiyo toban-toban koobi, magaalooyinka ay ku nool yihiin dad ka
badan 20,000 oo qofna min shan koobi oo lacag la’aan ah.
 Liistada Koodhadhka Heererka Dhismayaasha Itoobiya
a) Basis of Design and Action on Structures ------------------------ EBCS-1
b) Structural Use of Concrete ----------------------------------------------- EBCS-2
c) Design of Steel Structures ----------------------------------------------EBCS-3
d) Design of Composite Steel and Concrete Structures ------------ EBCS-4
e) Utilization of Timber --------------------------------------------------------- EBCS-5
f) Design of Masonry Structures -------------------------------------------- EBCS-6
g) Foundations -------------------------------------------------------------------- EBCS-7
h) Design of Structure-s for Earthquake Resistance ----------------- EBCS-8
i) Plumbing Services of Buildings ------------------------------------------- EBCS-9
j) Electrical Installation of Buildings ----------------------------------------- EBCS-10
k) Ventilation and Air Conditioning of Buildings ------------------------- EBCS-11
28
Baahida Qalabka
 Iyada oo laga duulayo caddadka cududa shaqaale in la diyaariyo calaa qof qalabka
uu u baahan yahay ee /Miis, Kursi, Kombiyuuter,iwm..);
 Baahida gaadiidka Dabagalka dhismayaasha oo lagu saleeyo magaalo kasta
dhaqdhaqaaqyada dhismayaasha ayaa loo diyaarin karaa 1—5;
 Nooca Gaadiidkuna: iyada oo loo eegayo baaxada magaalada iyo dhaqdhaqaaqyada
dhismayaasha ee ka socda ayaa si isku mid ah loogu kala duwanaan karaa laga
bilaabo Baaskiil ama Mooto, Baskiilad ilaa Pickup.
29
Qaab-socodka Xulashada Sargaalka Dhismaha, Xilka iyo Waajibaadkiisa
 Qaab-socodka Xulashada Sargaalka Dhismaha
• Sida ku cad bayaanka dhismaha, sargaalka dhismuhu waa xubin loo magacaabayo Magaalooyinka laga
dhaqangelinayo Bayaanka dhismaha, waxaana soo magacaabaya Gudoomiyaha Maamulka Magaalada
ama cida loo wakiishay amaase Maamulaha degmada magaalada kamidka ah ee loo xilsaaray.
• Sargaalka Dhismaha ee la magacaabayo waxa uu noqonayaa qof aqoonta Arctechture, Civil Engineer,
Construction Technology Management ama aqoonta kale ee la hal-maasha ku haysta Digriiga heerka
koowaad isla markaasna leh khibrad waaya’aragnimo oo la xidhiidha Hubinta diyaarinta naqshada
ama hawlaha dabagalka iyo baadhista dhismaha. Xirfadaas ka-sokowna:-
• Mudadii uu soo shaqaynayay ku caanbaxay natiijo shaqo oo wanaagsan;
• Mid leh anshax wanaagsan oo ka nadiif ah belwadaha (Alchol iyo ) belwadaha xunxun ee la
halmaala;
• Inuu leeyahay karto wax qorshayneed, karti xidhiidhineed iyo karti hoggaamineed;
• Inuu leeyahay waxqabad dhab ah iyo aragti hufan
• Inuu leeyahay jkoox ku-shaqayn iyo dareen lahaansho
• Inuu yahay mid shiishka saara macaamiisha lehna karti xidhiidh
• Inuu leeyahay rabitaan wax ogaansho, xalna keeni kara;
• Inuu noqdo qof hodan ku ah aqoontiisa kartina u leh shaqaysi iyo kashaqaysiin.
30
Qaab-socodka Xulashada Sargaalka Dhismaha, Xilka iyo
Waajibaadkiisa
 Xilka iyo waajibaadka Sargaalka Dhismaha
 Sargaalka Dhismaha ee uu magacaabayo maamulka magaaladu si uu u fulin karo
dhaqangelinta bayaanka dhismaha, ayuu yeelanayaa xilka iyo waajibaadyadan hoos
ku xusan:-
• Waxa sameeyaa dabagal adag oo uu ku xaqiijinayo in dhismayaasha laga wado
xuduuda maamulka magaalada, kuwa laga wado meelaha ka baxsan magaalada
balse Bayaanka laga dhaqangelinayo iyo kuwa loo igmaday inuu dabagalo
intuba in dhismahoodu waafaqsan yahay Bayaanka Dhismaha, Xeerka iyo
Awaamiirta iyo shuruucda la halmaasha ee kale;
• Hadii lala kulmo dhismayaal iyagu ka hor imanaya/aan waafaqsanayn xeerarka
iyo qodobada bayaanka, xeerka iyo awaamiirta ayuu kelifayaa in la joojiyo, la
hagaajiyo ama la dumiyo;
• Isaga oo dembiyada ka dhanka ah xeerarka iyo shuruucda ee la sameeya
saaraya ganaax maamul, isla markaasna xaqiijinaya in la saxay ayuu bixiyaa
go’aanka sii wadista dhismaha;
31
…Qaab-socodka Xulashada Sargaalka Dhismaha,
Xilka iyo Waajibaadkiisa
• Waxa uu leeyahay awood buuxda oo uu ku amro in baadhitaan lagu sameeyo dhismayaasha
lagu dhaqangelinayo bayaanka, xeerka iyo awaamiirta dhismaha ee ka socda deegaankiisa iyo
meelaha uu dabagalka u xilsaaran yahay, hadii uu u arko inay khatar ka imaan kartana amro in
sida ugu dhakhsaha badan loo saxo arrimahooda ama kedib marka la soo hordhigo warbixin
xirfadeed go’aamiyo in la dumiyo dhismahaas;;
• Hadii xadka maamulkiisa aan laga helayn xirfadle u qabta shaqo loo baahan yahay, waxa uu
awoodi karaa inuu qaab waafaqsan sharciga ku haboon heshiis kontaraad ah ugu shaqaysiiyo
xirfadlaha isagu diiwaangashan ee khibrada u leh shaqadaas loo baahan yahay;
• Marka uu dhamaado dhismaha Dhismayaasha heerkoodu yahay “c” ayuu siinayaa fsaxa
isticmaalka;
32
…. Qaab-socodka Xulashada Sargaalka Dhismaha,
Xilka iyo Waajibaadkiisa
 Hawlaha la Qabanayo
 Qaybta Fasaxa Dhismaha
• Waxay qabataa codsiga fasaxa dhismaha
• Xaqiijinta inay u dhan yihiin xogihii/shuruudihii looga baahnaa;
• Kharashka adeega oo laga shubo loo adeegaha;
• Baadhida naqsshadaha iyo codsiyada la soo dhaweystay;
• Wixii sixitaan u baahan oo loo celiyo loo adeegaha;
• Kuwa ay u buuxaana inuu u hordhigo sargaalka si uu ugu ansixiyo;
• Marka uu sargaalka dhismuhu ogolaado in kharashka laga shubo lana siiyo fasaxa
dhismaha;
33
…Qaab-socodka Xulashada Sargaalka Dhismaha,
Xilka iyo Waajibaadkiisa
 Dabagalka iyo La-socodka Dhismaha
 Waxay hubiyaan inay dhan yihiin xogaha loogu baahan yahay dabagalka dhismaha;
 Waxay dabagal ku sameeyaan, taakulayna u fidiyaan sidii loo adeeguhu dhismaha ugu
bilaabi lahaa wakhtiga lagu siiyey fasaxa dhismaha;
 Xaqiijinta shaqada Irkinada Ogeysiiska lagu soo bandhigay ee dhismayaasha heerka “C”;
 Xaqiijinta in dhismaha heerka “C” ee bilaabay adeeg-bixinta la siiyey fasaxa isticmaalka;
 Dabagalka in dhismayaasha laga wado deegaanka ama maamulka magaalo ay u socdaan
qaab waafaqsan nidaamka dhisme ee loo fasaxay.
34
Mahadsanidin!!
35

Mais conteúdo relacionado

Destaque

Content Methodology: A Best Practices Report (Webinar)
Content Methodology: A Best Practices Report (Webinar)Content Methodology: A Best Practices Report (Webinar)
Content Methodology: A Best Practices Report (Webinar)contently
 
How to Prepare For a Successful Job Search for 2024
How to Prepare For a Successful Job Search for 2024How to Prepare For a Successful Job Search for 2024
How to Prepare For a Successful Job Search for 2024Albert Qian
 
Social Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie Insights
Social Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie InsightsSocial Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie Insights
Social Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie InsightsKurio // The Social Media Age(ncy)
 
Trends In Paid Search: Navigating The Digital Landscape In 2024
Trends In Paid Search: Navigating The Digital Landscape In 2024Trends In Paid Search: Navigating The Digital Landscape In 2024
Trends In Paid Search: Navigating The Digital Landscape In 2024Search Engine Journal
 
5 Public speaking tips from TED - Visualized summary
5 Public speaking tips from TED - Visualized summary5 Public speaking tips from TED - Visualized summary
5 Public speaking tips from TED - Visualized summarySpeakerHub
 
ChatGPT and the Future of Work - Clark Boyd
ChatGPT and the Future of Work - Clark Boyd ChatGPT and the Future of Work - Clark Boyd
ChatGPT and the Future of Work - Clark Boyd Clark Boyd
 
Getting into the tech field. what next
Getting into the tech field. what next Getting into the tech field. what next
Getting into the tech field. what next Tessa Mero
 
Google's Just Not That Into You: Understanding Core Updates & Search Intent
Google's Just Not That Into You: Understanding Core Updates & Search IntentGoogle's Just Not That Into You: Understanding Core Updates & Search Intent
Google's Just Not That Into You: Understanding Core Updates & Search IntentLily Ray
 
Time Management & Productivity - Best Practices
Time Management & Productivity -  Best PracticesTime Management & Productivity -  Best Practices
Time Management & Productivity - Best PracticesVit Horky
 
The six step guide to practical project management
The six step guide to practical project managementThe six step guide to practical project management
The six step guide to practical project managementMindGenius
 
Beginners Guide to TikTok for Search - Rachel Pearson - We are Tilt __ Bright...
Beginners Guide to TikTok for Search - Rachel Pearson - We are Tilt __ Bright...Beginners Guide to TikTok for Search - Rachel Pearson - We are Tilt __ Bright...
Beginners Guide to TikTok for Search - Rachel Pearson - We are Tilt __ Bright...RachelPearson36
 
Unlocking the Power of ChatGPT and AI in Testing - A Real-World Look, present...
Unlocking the Power of ChatGPT and AI in Testing - A Real-World Look, present...Unlocking the Power of ChatGPT and AI in Testing - A Real-World Look, present...
Unlocking the Power of ChatGPT and AI in Testing - A Real-World Look, present...Applitools
 
12 Ways to Increase Your Influence at Work
12 Ways to Increase Your Influence at Work12 Ways to Increase Your Influence at Work
12 Ways to Increase Your Influence at WorkGetSmarter
 
Ride the Storm: Navigating Through Unstable Periods / Katerina Rudko (Belka G...
Ride the Storm: Navigating Through Unstable Periods / Katerina Rudko (Belka G...Ride the Storm: Navigating Through Unstable Periods / Katerina Rudko (Belka G...
Ride the Storm: Navigating Through Unstable Periods / Katerina Rudko (Belka G...DevGAMM Conference
 
Barbie - Brand Strategy Presentation
Barbie - Brand Strategy PresentationBarbie - Brand Strategy Presentation
Barbie - Brand Strategy PresentationErica Santiago
 
Good Stuff Happens in 1:1 Meetings: Why you need them and how to do them well
Good Stuff Happens in 1:1 Meetings: Why you need them and how to do them wellGood Stuff Happens in 1:1 Meetings: Why you need them and how to do them well
Good Stuff Happens in 1:1 Meetings: Why you need them and how to do them wellSaba Software
 

Destaque (20)

Content Methodology: A Best Practices Report (Webinar)
Content Methodology: A Best Practices Report (Webinar)Content Methodology: A Best Practices Report (Webinar)
Content Methodology: A Best Practices Report (Webinar)
 
How to Prepare For a Successful Job Search for 2024
How to Prepare For a Successful Job Search for 2024How to Prepare For a Successful Job Search for 2024
How to Prepare For a Successful Job Search for 2024
 
Social Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie Insights
Social Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie InsightsSocial Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie Insights
Social Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie Insights
 
Trends In Paid Search: Navigating The Digital Landscape In 2024
Trends In Paid Search: Navigating The Digital Landscape In 2024Trends In Paid Search: Navigating The Digital Landscape In 2024
Trends In Paid Search: Navigating The Digital Landscape In 2024
 
5 Public speaking tips from TED - Visualized summary
5 Public speaking tips from TED - Visualized summary5 Public speaking tips from TED - Visualized summary
5 Public speaking tips from TED - Visualized summary
 
ChatGPT and the Future of Work - Clark Boyd
ChatGPT and the Future of Work - Clark Boyd ChatGPT and the Future of Work - Clark Boyd
ChatGPT and the Future of Work - Clark Boyd
 
Getting into the tech field. what next
Getting into the tech field. what next Getting into the tech field. what next
Getting into the tech field. what next
 
Google's Just Not That Into You: Understanding Core Updates & Search Intent
Google's Just Not That Into You: Understanding Core Updates & Search IntentGoogle's Just Not That Into You: Understanding Core Updates & Search Intent
Google's Just Not That Into You: Understanding Core Updates & Search Intent
 
How to have difficult conversations
How to have difficult conversations How to have difficult conversations
How to have difficult conversations
 
Introduction to Data Science
Introduction to Data ScienceIntroduction to Data Science
Introduction to Data Science
 
Time Management & Productivity - Best Practices
Time Management & Productivity -  Best PracticesTime Management & Productivity -  Best Practices
Time Management & Productivity - Best Practices
 
The six step guide to practical project management
The six step guide to practical project managementThe six step guide to practical project management
The six step guide to practical project management
 
Beginners Guide to TikTok for Search - Rachel Pearson - We are Tilt __ Bright...
Beginners Guide to TikTok for Search - Rachel Pearson - We are Tilt __ Bright...Beginners Guide to TikTok for Search - Rachel Pearson - We are Tilt __ Bright...
Beginners Guide to TikTok for Search - Rachel Pearson - We are Tilt __ Bright...
 
Unlocking the Power of ChatGPT and AI in Testing - A Real-World Look, present...
Unlocking the Power of ChatGPT and AI in Testing - A Real-World Look, present...Unlocking the Power of ChatGPT and AI in Testing - A Real-World Look, present...
Unlocking the Power of ChatGPT and AI in Testing - A Real-World Look, present...
 
12 Ways to Increase Your Influence at Work
12 Ways to Increase Your Influence at Work12 Ways to Increase Your Influence at Work
12 Ways to Increase Your Influence at Work
 
ChatGPT webinar slides
ChatGPT webinar slidesChatGPT webinar slides
ChatGPT webinar slides
 
More than Just Lines on a Map: Best Practices for U.S Bike Routes
More than Just Lines on a Map: Best Practices for U.S Bike RoutesMore than Just Lines on a Map: Best Practices for U.S Bike Routes
More than Just Lines on a Map: Best Practices for U.S Bike Routes
 
Ride the Storm: Navigating Through Unstable Periods / Katerina Rudko (Belka G...
Ride the Storm: Navigating Through Unstable Periods / Katerina Rudko (Belka G...Ride the Storm: Navigating Through Unstable Periods / Katerina Rudko (Belka G...
Ride the Storm: Navigating Through Unstable Periods / Katerina Rudko (Belka G...
 
Barbie - Brand Strategy Presentation
Barbie - Brand Strategy PresentationBarbie - Brand Strategy Presentation
Barbie - Brand Strategy Presentation
 
Good Stuff Happens in 1:1 Meetings: Why you need them and how to do them well
Good Stuff Happens in 1:1 Meetings: Why you need them and how to do them wellGood Stuff Happens in 1:1 Meetings: Why you need them and how to do them well
Good Stuff Happens in 1:1 Meetings: Why you need them and how to do them well
 

for jijiga Bayanka Dhismah iyo Qab-dhisnadk S_dhismah Presentation.pptx

  • 1. Qoraal Loo Diyaariyey Wacyi-galimta Nuxurka Bayaanka Dhismaha iyo Magacaabista Sargalka Dhismaha ee loo magacaabayo Magaalooyinka Hider, 2013 1 Maamulka Magaalada Jigjiga
  • 2. Hordhac • In iyada oo uusan dalkeenna ka jirin sharci lagu hoggaamiyo wershedaha dhismayaasha ee dalkeenna, ay si xawli ah u soo kobceen wershedaha dhismuhu, taasina ay keentay in heer dal Dhismayaasha lagu soo hoggaaminayay Heerar Farsamo (Technical Standard) loo dejiyey iyo sharciga fasaxa dhismayaasha ee laga soo saaray heerka magaalooyinka; • Si gol-daloolahaas jiray loo daboolana, waxaa la soo saaray Bayaanka Dhismaha ee Lr. 624/2001 T.I. kaas oo si buuxda u dhaqangalay laga bilaabo Ginboot 2002 T.I. Isla markaasna si bayaankan loo fuliyo loo soo saaray Xeerka Tirsigiisu yahay 243/2003 iyo Awaamiirta Fulineed ee Lr. 5/2003 T.I.; • Bayaankan dhismaha oo sidii loo baahnaa u dhaqangala, waxa uu ka gacan geysanayaa in waaxda dhismuhu si buuxda u sugto/xaqiijiso/ Caafimaad-qabka iyo Bedbaadada shacabka, si taas loo dhaqangeliyana in dhamaan xubnaha hawl- fulinta iyo xubnaha fulineedba si buuxda u gutaan waajibaadyada la siiyey ee xaqiijinta dhismaha dhisme darajadiisu sugan tahay, u haboonaansho leh, dhisme bedbaadadiisdu sugan tahay iyo sidii loo heli lahaa hab-isticmaal caddalad ah, cid kastaana qaabkaas uga qaadato doorkeeda. 2
  • 3. • Sidaa awgeed, si loo fidiyo nidaamka dhismaha wax ku oolka ah ee nioocaas ah, waxaa loo baahan yahay in wakhtiga bayaanka ficil ahaan loo dhaqangelinayo in magaalooyinka bayaankan laga dhaqangelinayo loo magacaabo masuul loogu yeedho Sargaalka Xafiiska Dhismaha, kaas oo hormood ka noqonaya in la dhaqangeliyo bayaanka. • Maamulada magaalooyinkuna iyaga oo qaab waafaqsan Bayaanka iyo shuruucda kale ee la hal-maasha magaalada ugu magacaabaya Sargaalka dhismaha, una buuxinayo qaab-dhismeedka iyo nidaamyada shaqo ee xafiisku u baahan yahay ayaa si waaxda dhismuhu kaalinta kaga aaddan uga qaadato hirgelinta qorshaha Koboca iyo isbedelka (GTP), loo soo diyaariyey dukumentigan wacyigelinta ee lagu kobcinayo fahanka. 3 Maamulka Magaalada Jigjiga
  • 4. Dhibaatooyinka ka Muuqday Dhismaha Iyo Bixinta Fasaxa Dhismaha  Iyada oo wixii ka horeeyey soo saaristii bayaanka ay dhibaatooyin badani ka jireen dhinaca qaab-socodka dhismayaasha, ayaa waxaa dhibaatooyinkaas ka mid ahaa:-  Iyada oo uusan jirin nidaam wax ku ool ah oo lagu hoggaamiyo wershedaha dhinaca dhismaha ee dalkeenna, taas awgeedna, inuusan jirin nidaam (Regulatory) ah oo lagu hoggaamiyo hawlaha fasaxa dhismaha iyo dabagalka iyo la-socodka.  Maadaama oo uusan jirin Bayaankan Dhismuhu dhismayaasha laga dhisayayay dhamaan deegaanada iyo magaalooyinka dalka, gaar ahaan kuwa gaarka loo leeyahay ayaa waxay ahaayeen:-  Kuwa aysan sugnayn tayada iyo heerkoodu;  Kuwo aan lagu samayn jirin wax dabagal & la socod ah. 4
  • 5. Dhibaatooyinkii…  Ma jirin nidaam lagu xaqiijiyo in dhismayaasha hawshooda dhismaha ay fulinayeen Qandaraaslayaal iyo la-talin leh tayada iyo heerka loo baahan yahay, sharci ahaana ugu diiwaan gashan daraasada naqshadaha iyo dhismaha.  Ma jirin nidaam lagu xaqiijiyo in dhismayaasha hawshoodu dhamaatay hawshooda lagu dhameeyey qaab waafaqsan naqshada iyo daraasadooda, sidoo kalana u qalmaan bixinta adeegii looga dan lahaa.  Lama fidinin nidaamka dabagalka iyo la socododka oo lagu in dhismayaasha lagu fuliyey qalabyada iyo alaabada dhismaha oo leh tayada looga baahan yahay.  Iyada oo dhamaan deegaanada iyo ismaamulada magaalooyinka uusan ka jirin nidaam wax ku ool ah oo loo raaco bixinta fasaxyada dhismaha.  Wersheda Dhismaha oo aan ahayn mid lahayd nidaam lagu sugo caafimaad- qabka iyo bedbaadada waaxdan. Iyo sidoo kale;  Ka-salgaadhida dadka laxaadkoodu dhiman yahay oo aysan jirin xaalad khasbi karta in la gaadhsiiyo adeegyadan. 5
  • 6. Doorka uu Bayaanka dhismuhu ku leeyahay xalinta dhibaatooyinkaas jiray  Waxa uu suuro geliyey in la helo nidaam wax ku ool ah oo heer dal lagu hoggaamiyo hawlaha dhismaha;  Iyada oo xirfadlayaasha ama shirkadaha la talinta ama qandaraaslayaashu iyaga oo raacaya naqshada daraasaadka iyo dhismayaasha dhisaan dhismayaal buuxinaya shuruudihii looga baahnaa;  In hanaanka fasaxa dhismuhu dhamaan deegaanada uga dhaqan galo qaab wax-ku-ool ah;  In marka la bixinayo fasaxa si cad loo xaqiijiyo in daraasada naqshada dhismuhu buuxinayaan shuruudaha ku haboon;  In la fidiyo nidaam lagu dabagalo inay dhismayaashu buuxinayeen shuruudihii dhinaca tayada ee looga baahnaa;  In marka la dhamaystiro dhismayaasha u adeegaya shacabka aan la iska adeegsan iyada oo aan la qaadanin fasaxa isticmaalka dhismaha; 6
  • 7. …Doorka uu Bayaanka dhismuhu ku leeyahay xalinta dhibaatooyinkaas jiray  Iyada oo la suurto gelinayo sidii baahida dhinaca dhismaha ee bulshada ee iyadu ka dhalatay koboca xawliga aadka u sareeya ee wershedaha dhismuhu inay noqoto mid waafaqsan nidaam shaqeedka xiliyeedka ah, in la suuro geliyo sidii loo dhisi lahaa dhismayaal leh firfircooni isla markaasna loogu xisaabtamo bedbaadada iyo rabitaanka bulshada;  Si looga hortago wakhtiga iyo hantida badan ee ku daayacmaysa tayo xumada dhismayaasha awgeed in la fidiyo sidii loo hirgelin lahaa nidaam casri ah oo taas ka hortagaya;  In la helo xaalad khasbi karta in geedi-socodka dhismaha ay jirto xaalada caafimaad-qabka iyo bedbaadada bulshadu;  In la helo xeerar lagu dhaqangeliyo in dhismayaasha loo dhisayo adeega bulshada lagu xisaabtamo ka faa’iideysiga dadka laxaadka wax uga dhiman yahay, wuxuuna suurto gelinayaa in la helo dhismayaal loo dhiso tayada iyo heerka looga baahan yahay. 7
  • 8. Dulucda Bayaanka Dhismaha  Qaybvaha ugu waaweyn ee Bayaanka Dhismaha Itoobiya:- – Fasaxa Dhismaha, Dabagalka iyo La socodka dhismaha; – Fasaxa Isticmaalka Dhismaha; – Xilka masuuliyadeed iyo la-xisaabtanka xirfadlayaasha dhismaha, la- talinta iyo qandaraaslayaasha; – Shuruudaha ugu hooseeya ee looga baahan yahay nashadaha dhismayaasha; – Taxadarka loo baahan yahay in la yeesho wakhtiga dhismaha (Arrimaha Caafimaadka iyo Bedbaadada) – Ka-sal-gaadhida Dadka laxaadka la’; – Shaqooyinka laga qabto goobta dhismaha; – Diyaar-garowga loo samaynayo dadka naafada ah; – Kahortaga Khatarta Dabka (Dab-demis); – Xeerarka la hal-maala Shuruucda Dhismaha. 8
  • 9. Diyaar-garowga laga sameeyey Fulinta Bayaanka  Si loo fuliyo bayaanka waxaa loo diyaariyey Xeeraka iyo Awaamiirta Dhismaha;  Waxaa la fidiyey nidaam ay wadashaqayn loo dhan yahay ku wadaagi karaan Deegaanada iyo Magaalooyinka ay Wasaaradu la wadaagayso xidhiidhka;  Wakhtigii la diyaarinayay xeerka iyo Awaamiirta fulinta bayaanka oo si buuxda looga qayb geliyey kuwa doorka ku leh , lana wacyigeliyey;  Bayaanka, Xeerka iyo awaamiirta ayaa loo wada qaybiyey dhamaan qaybaha ay khusayso. 9
  • 10. Hawlaha ay deegaanada iyo magaalooyinku u qabanayaan fulinta Bayaanka  Waxay magaalooyinka ka fidinayaan qaab-dhismeedyada fulin kara bayaanka dhismaha (oo ay ku jirto Magacaabida Sargaalka dhismaha), in dhismayaasha laga dhigo kuwo waafaqsan heerkooda derejo loona hoggaamiyo qaab nidaam leh (Q/dhismeedka Xafiiska Sarkaalka oo loo dhisayo qaab uu u hoostago Mayor-ka magaalada);  In magaalooyinka laga fulinayo bayaanka dhismaha , si ay suurto gal ugu noqoto in hawlaha Fasaxa dhismaha, dabagalka iyo la socodka loo hoggaamiyo qaab wax ku ool ah, in Qaybaha shaqo ee Bixinta fasaxa dhismaha, dabagalka iyo la-socodka qaab u haboon fulinta bayaanka loo hoos geeyo Xafiiska Sargaalka dhismaha;  In la suuro geliyo in qaab-dhismeedka u abuurmaya fulinta bayaanka dhismaha si habsami ah loogu buuxiyo cudud shaqo oo dhamaystiran, heerkii loo baahnaana buuxinaysa;  In la bixiyo fursadaha kobcinta awooda oo lagu dhaqangelin karo bayaanka;  Iyada oo xidhiidh adag lala wadaagayo Federaalka in la dabagalo habka fulinta bayaanka, in la kantaroolo isla markaasna qaab-socodka fulintiisa laga geysto taakulaynta ku haboon; 10
  • 11. Xilka iyo Waajibaadka ay Magaalooyinku ku leeyihiin Dhaqangelinta Bayaanka Dhismaha  Maamulada Magaalooyinka oo iyagu ah cida dabagalka ugu dhow ku samaynaysa arrimaha khuseeya bulshadooda ku nool magaalooyinkooda isla markaasna iyagu fulinaya;  209 magaalo oo uu ka dhaqangalayo bayaankan dhismaha ee xubinta ka ah adeegyada horumarinta magaalooyinku, si ay u fuliyaan bayaankan una dabagalaan habka fulintiisa, ayaa waxaa looga baahan yahay in maamulka magaaladu ama cida uu u meeleeyo maamulka magaaladu amaase cida ka wakiilka ahiba si buuxda u magacaabaan Sargaalka Xafiiska dhismaha ee isagu fulin kara Bayaanka iyo Shuruucda kale ee dhismaha;  Magaalooyinka ay awoodoodu ka hoosayso inay magacaabaan sargaalka dhismaha ayaa Qodobka 58(3) ee Bayaanka waxa uu dhigayaa in Deegaanku awoodi karo inuu qaab u wakiilasho ah sargaalka dhismaha ee magaalo kale ugu xilsaaran karaa fulinta bayaanka dhismaha, qaabkaasna adeegan loo gaadhsiiyo magaalada; 11
  • 12. Faahfaahinta Hawlaha loo fulinayo dhaqangelinta bayaanka dhismaha  Bayaanka Dhismaha ee Itoobiya, waa bayaan suurto gelinaya, si loo xaqiijiyo caafimaad-qabka iyo bedbaadada shacabka, in dhinaca marka la fulinayo dhismaha ama dib u habaynta ama isbedelka adeega dhismahaba, inay guud ahaan waxyaabaha laga dhaqangelinayo dalka dhinacooda ka go’aamin karaan shuruudaha ugu hooseeya (minimum).  Bayaankani waxa uu fulitaan sharci ku yeelanayaa dhismayaasha laga samaynayo magaalooyinka shacabka ku nooli ay dhan yihiin 10,000 oo qof, kuwa laga dhisayo magaalooyinka tirada shacabkoodu ka hoosayso 10,000 oo qof iyo xataa dhismayaasha adeega shacabka (Public buildings) iyo kuwa kale ee lagu qeexay bayaanka ee laga dhisayo meelaha ka baxsan magaalooyinka.  Fulinta Bayaankan waxaa ugu horayn kow ka ah waxyaabaha la samaynayo in la magacaabo sargaalka dhismaha, isla markaasna xafiiskiisa loo buuxiyo qaab-dhismeedyada iyo nidaamyada shaqo ee la halmaala /Cudud shaqaale, qalab iyo tababaro kobcineed, iwm). 12
  • 13. Faahfaahinta Hawlaha loo fulinayo dhaqangelinta bayaanka dhismaha…  Habka fulinta bayaanka dhismaha Itoobiya iyo Magacaabista Sargaalka Dhismaha  Waxyaabaha ugu waaweyn ee dulucda Bayaanka Dhismaha Itoobiya waxaa ugu horeeya:- • Magacaabida sargaalka dhismaha iyo qaab-dhismeedyada soo raaca; • Sargaalka dhismaha oo ah xubinka halbowlaha u ah isla markaasna masuuliyada koowaad ku leh fulinta bayaanka dhismaha. • Sargaalka dhismaha oo ah qofka tunka u ridanaya dhaqangelinta bayaanka dhismaha, xilka iyo masuuliyada iyo la-xisaabtanka ugu horeeyana leh.  Dhinaca kale, si loo fuliyo Bayaanka waxaa loo baahan yahay saddexda nidaam-shaqo ee ugu waaweyn ee hoos ku xusan:- 1. Baadhida xogta lahaanshaha iyo xogta bilaanka/ Isu-Hubinta; 2. Iyada oo naqshadaha dhismaha loo qiimaynayo qaab waafaqsan bayaanka, xeerka, awaamiirta iyo cadaymaha kale ee fulineed, in la siiyo fasaxa dhismaha; 3. In dabagal lagu sameeyo dhismaha lana siiyo fasaxa isticmaalka;  Saddexda heerba waxaa lagu fulinayaa shaqada habaynta xogta. 13
  • 14. Faahfaahinta Hawlaha loo fulinayo dhaqangelinta bayaanka dhismaha… • Si loo qabto hawlaha kor lagu soo sheegay, waxaa lagama maarmaan ah in la aasaaso dhismaha saddex kooxood oo ka kooban xirfadlayaal kala duwan. • Kooxahani Guud ahaan, qaab-dhismeedka Maamulka magaalada heerka ay kaga jirayaani waxay ku xidhan tahay hadba baaxada weynaanta ee magaalada. • Koox kasta tirada xirfadlayaasha ee ay yeelaysaana waxay ku kala duwanaan kartaa magaalo kasta Dhaqdhaqaaqyadeeda dhismaha ee ka jira. • Guud ahaan, xafiiska sargaalka dhismuhu waxa uu yeelanayaa qaab-dhismeedkan hoos ku xusan:- 14
  • 15. Qaab-dhismeedka Xafiiska Sargaalka Dhismaha Sargaalka Dhismaha Kooxda Arrimaha Xogta Bilaanka/ Isu- Hubinta iyo Xogta Lahaanshaha Kooxda Qiimaynta iyo Fasaxa Dhismaha Kooxda dabagalka iyo fasaxa isticmaalka dhismaha 15
  • 16. Hawlaha la qabanayo iyo xirfadlayaasha loo baahan yahay Hawlaha la qabanayo  Baadhida Lahaanshaha In loo eego Bilaanka Magaalada iyo xogaha kale lalana galo Isu- Hubinta  Habaynta xogta  Qiimaynta Naqshadaha  Siinta Fasaxa Dhismaha  Habaynta xogta  In lagu sameeyo dabagal joogto ah iyo mid lama filaan /kedis/ ah  In la siiyo fasaxa isticmaalka  Habaynta xogta Xirfadlayaasha loo baahan yahay Hoggaamiye kooxeed Hoggaamiye kooxeed Hoggaamiye kooxeed 1. Xirfadlaha Bilaanka Magaalada ama Xirfada la midka ah/ Tiraduna- hadba intii loo baahdo 1. Architect 2. Structural/ Civil Engineer 3. Sanitary/Civil Eng. 4. Electric Eng. 5. Electro-mechanical Eng/ tiraduna hadba intii loo baahdo/ 1. Building Engineers ama Xirfada la midka ah /tiradu intii loo baahdo/ 16
  • 17. … Wuu sii socdaa • Maadaama oo aan sargaalka xafiiska dhismaha laga rejeynayn inuu dhamaan noocyada xirfada aqoon iyo khibrad u wada yeesho, xirfadlayaashan qaab-dhismeedka loogu darayaa waxay ka gacan siinayaan dhinaca xirfadaha. • Maadaama oo xilka, waajibaadka iyo la-xisaabtanka ugu weynba saaran yahay Sargaalka Xafiiska Dhismaha, waxaa loo baahan yahay inuu wakhtiga qaab-dhismeedkiisa la habaynayo ka qaybgal hormoodnimo ah ku yeesho. Sidaas awgeed, ugu horayn cida la magacaabayaa waxay noqonaysaa sargaalka xafiiska dhismaha. Markaas kedib ayuu isagu ka qaybgal hormoodnimo ah ku yeelanayaa meelaynta qaybaha kale ee qaab- dhismeedka. 17
  • 18. Boosaska uu Q/Dhismeedka Guud kaga dhismayo Q/dhismeedka Sargaalka Xafiiska Dhismuhu  Isaga oo qaab-dhismeedka sargaalka dhismuhu uu noqonayo mid ku kala duwan xaaladaha u gaarka ah deegaanada iyo magaalooyinka, ayaa waxa uu yeelanayaa noocyada qaab-dhismeed ee hoos ku xusan:- • Deegaanada Tigray, Amhara, Koonfurta iyo Oromiya qaab-dhismeedka ay yeelanayaani waxa uu noqonayaa mid gudaha qaab-dhismeedyadooda heerarka kala duwan ee dhismaha magaalooyinka iyo waaxda dhismaha iyo Nidaamka toosinta/regylatory/ kaas oo la waafajinayo loona eegayo qaab- dhismeedka Diyaarinta iyo Fulinta Shuruucda Dhismaha ee Wersheda Dhismaha. • Deegaanada u baahan Taakulaynta gaarka ahna, waxa uu qaab-dhiismeedka ay yeelanayaani noqonayaa mid loo dheelitiro Geedi-socodka Diyaarinta iyo Fulinta shuruucda wershedaha dhismaha ee Waaxda horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha. • Maamulka Magaalada Addis Ababana, iyada oo uu noqonayo qaab-dhismeed hoos tagaya Xafiiska Maaraynta Horumarinta Dhulka iyo Fasaxa Dhismaha, ayaa sidoo kale waxaa 11-ka Waax-magaaleedba looga dhisayaa qaab u dheelitiran. • Maamulka Magaalada Diri-dhabana waxa uu noqonayaa qaab-dhismeed hoos tagaya Xafiiska Maaraynta Horumarinta dhulka iyo fasaxa Dhismaha. • Iyada oo qaab-dhismeedka fasaxa iyo dabagalka dhismayaasha magaalooyinku noqon doono mid ku kala duwanaanaya magaalo iyo tirada shacabkeeda, ayaa qaabka hoos ku xusan loo soo dhigay qaab-dhismeedyo muunad ah oo lagu saleeyey tirada shacabka magaalo iyo tuirada xirfadlayaasha ee loo baahan karo. 18
  • 19. A. Q/dhismeedka Muunada ah ee Fasaxa iyo dabagalka Dhismaha ee Magaalooyinka tirada shacabkoodu gaadho 10 kun ilaa 50 kun Geedi-socodka Fasaxa iyo Dabagalka Dhismaha Kooxda Isu-Hubinta Bilaabka, Xaqiijinta Lahaanshaha iyo Fasaxa Dhismaha Kooxda La-socodka dhismaha iyo Fasaxa Isticmaalka Magaca Q/Dhismeedkuna Waa “Geedi-socodka Fasaxa iyo Dabagalka Dhismaha ee Maamulka Magaalada__________________.” Hoggaamiyaha Q./dhismeedkana waxaa loogu yeedhi karaa “Sargaalka Xafiiska Dhismaha ee Maamulka Magaalada /W/Magaaleedka _________________”. 19
  • 20. B. Q/dhismeedka Muunada ah ee Fasaxa iyo dabagalka Dhismaha ee Magaalooyinka tirada shacabkoodu gaadho 50 kun ilaa 100 kun Geedi-socodka Fasaxa iyo Dabagalka Dhismaha Kooxda Isu-Hubinta Bilaanka iyo Xaqiijinta Lahaanshaha Kooxda Fasaxa Dhismaha Kooxda La-socodka dhismaha iyo Fasaxa Isticmaalka Magaca Q/Dhismeedkuna Waa “Geedi-socodka Fasaxa iyo Dabagalka Dhismaha ee Maamulka Magaalada__________________.” Hoggaamiyaha Q./dhismeedkana waxaa loogu yeedhi karaa “Sargaalka Xafiiska Dhismaha ee Maamulka Magaalada /W/Magaaleedka _________________”. 20
  • 21. C. Q/dhismeedka Muunada ah ee Fasaxa iyo dabagalka Dhismaha ee Magaalooyinka tirada shacabkoodu gaadho 100 kun ilaa 250 kun Xafiiska Fasaxa iyo Dabagalka Dhismaha Kooxda Isu-Hubinta Bilaanka iyo Xaqiijinta Lahaanshaha Kooxda Fasaxa Dhismaha Kooxda La-socodka dhismaha iyo Fasaxa Isticmaalka Magaca Q/Dhismeedkuna Waa “Xafiiska Fasaxa iyo Dabagalka Dhismaha ee Maamulka Magaalada__________________.” Hoggaamiyaha Q./dhismeedkana waxaa loogu yeedhi karaa “Sargaalka Xafiiska Dhismaha ee Maamulka Magaalada /W/Magaaleedka _________________”. 21
  • 22. D. Q/dhismeedka Moodeelka ah ee Wakaalada Fasaxa iyo Dabagalka Dhismaha ee Magaalada Addis Ababa iyo Diri-dhabe Wakaalada Fasaxa iyo Dabagalka Dhismaha G/socodka Isu-Hubinta Bilaanka iyo Xaqiijinta Lahaanshaha G/Socodka Fasaxa Dhismaha Geedi-socodka dabagalka dhismaha iyo Fasaxa Isticmaalka Magaca Q/Dhismeedkuna Waa “Wakaalada Fasaxa iyo Dabagalka Dhismaha ee Maamulka Magaalada Addis Ababa/ Diri-dhabe.” Hoggaamiyaha Q./dhismeedkana waxaa loogu yeedhi karaa “Sargaalka Xafiiska Dhismaha ee Maamulka Magaalada Addis Ababa/ Diri-dhabe ”. 22
  • 23. Xilkla & Waajibaadka Q/dhismeedka  Kooxda Xogta Qorshe-hagaha/ U hubinta iyo Xaqiijinta Xogaha lahaanshaha ayaa waxay leeyihiin xilka iyo waajibaadyadan hoos ku xusan:- • Hawlaha Xaqiijinta Lahaanshaha; • Isu-hubinta is-waafaqsanaanta Bilaanka iyo cadaymaha lahaanshaha, kuwaas oo loo eego qorshe-hagaha magaalada iyo xogaha la halmaala iyo bixinta heshiiska waafaqsanaanta bilaanka; • Habaynta xogta፣  Kooxda Qiimaynta Naqshadaha iiyo Fasaxa dhismaha oo hawlahooda ugu waaweyni yihiin qiimaynta naqshadaha, bixinta fasaxa dhismaha iyo habaynta xogta, ayaa waxa kaloo ay fulinayaan waajibaadyadan:- • Inay qabtaan codsiyada dalabka fasaxa dhismaha; • Xaqiijinta u dhamaystirnaanta xogihii looga baahnaa; • Loo adeegaha oo ay ka shubaan kharashka adeega; • Baadhista Naqshadaha iyo codsiyada loo soo dhaweeyey; • Inay kuwa baadhista ku gudbi waayey ee xilli kale dib laga saxayo u celiyaan loo adeegaha; • Marka uu fasaxo Sargaalka Dhismuhu inay loo adeegaha ka shubaan kharashka adeega siiyaana fasaxa dhismaha; 23
  • 24. …. Xilkla & Waajibaadka Q/dhis  Kooxda Dabagalka Dhismaha iyo Fasaxa Isticmaalka oo iyagana waajibaadkooda ugu weyni yahay dabagalka dhismaha oo joogtaysan, dabagal kedis ah iyo siinta fasaxa isticmaalka iyo habaynta xogta ayaa waxa kaloo ay leeyihiin waajibaadyadan:-- • Xaqiijintainay u dhan yihiin xogaha loo adeegsan lahaa dabagalka dhismaha; • Dabagal ay ku xaqiijiyaan in loo adeeguhu dhismaha ku bilaabay wakhtiga lagu siiyey fasaxa dhismaha; • Iyada oo la raacayo qaab waafaqsan Ogeysiiska Irkinka ee Dhismayaasha heerka “C” inay xaqiijiyaan qaab-socodka shaqada; • Inay xaqiijiyaan in dhismaha heerka “C” ee adeeg bixinta bilaabay la siiyey fasaxa isticmaalka dhismaha; • Inay dabagal ku sameeyaan in dhismayaasha ka socda maamulka magaalada ama deegaanka ay metelayaan loo wado qaab waafaqsan fasaxa dhismaha. 24
  • 25. Baahida Cududa Shaqaale, Qalabka iyo Dhismaha Xafiis ee Xafiiska Sargaalka Dhismaha  Baahida Cududa Shaqaale • Cududa shaqaale ee Xafiiska Sargaalka Dhismuhu Waxay ku kala duwanaanaysaa hadba dhaqdhaqaaqyada dhismaha ee magaalo kasta ka jira; • Inta ugu badan magaalooyinka uu bayaankani ka dhaqangalayo, iyada oo lagu xisaabtamayo magaalo iyo heerkeeda, lana raacayo halbeega qiyaas qaadashada cududa shaqo ee sarraysa iyo mida heerka hoose, ayaa hadana la filayaa in cududa shaqo noqon karto laga bilaabo 8—21 Qof; • Faahfaahinta waxaad ka eegtaa Shaxda 1 ee hoose:- 25
  • 26. Shaxda 1፡ Qiyaasta Cududa Shaqaale ee uu u baahan yahay Sargaalka Dhismuhu T/T Qaybta Shaqo Cadadka Xirfadlayaasha 1 Kooxda Xogaha lahaanshaha iyo u hubinta Bilaanka 13 2 Kooxda Qiimaynta Naqshada & Fasaxa Dhismaha 36 3 Kooxda Dabagalka Dhismaha iyo Fasaxa Isticmaalka 31ዐ 4 Xafiiska Sargaalka Dhismaha 12 Wadarta Guud.. .. .. .. 821 Xusuusin:- Shuruudaha heerarka waxbarasho iyo waaya’aragnimada shaqo ee looga baahan yahay xirfadlayaasha iyo shaqaalaha xafiiska sargaalka dhismaha waxaa lagu faahfaahiyey Bayaanka, Xeerka iyo Awaamiirta Dhismaha. 26
  • 27. Baahida Xafiis • Marka lagu xisaabtamo in halkii xirfadle uu u baahan yahay qol xafiis oo ku fadhiya 4 K/m, laguna xisaabtamo cududa shaqaale ee lagu soo faahfaahiyey shaxda 1 ee sare, isla markaasna qorshaha lagu darsado in Sargaalka Dhismuhuna u baahan yahay xafiis buuxa oo u gaar ah isaga sidoo kalana heerka baahida aan u kala eegno Sare iyo Hoose, baaxada xafiisku waxay gaadhi kartaa 60K/M—110K/M. Faahfaahintana ka eeg shaxdan 2 ee hoos ku xusan:- Shaxda 2:- Hal-beega Qiyaasta Ee Caddadka Xirfadlayaasha Ay U Baahan Yihiin Qaab- dhismeedyada Muunada ah Ee Ku Xusan “A” Ilaa “D” oo Ku Salaysan Tirada Shacabka Magaalooyinka Qayba Q/Dhismeedka Muunada ah G/Socodka Xaqiijinta Lahaanshaha iyo U-hubinta Bilaanka G/Socodka Qiimaynta Bilaanka iyo Fasaxa Dhismaha G/Socodka Dabagalka Dhismaha iyo Fasaxa Isticmaalka Xafiiska Sargaalka Dhismaha Wadarta Xirfadlayaasha Baahida Qolalka Xafiiska oo Karameter ahaan ah A 1 3 1 1 8 50 B 2 4 4 1 11 70 C 3 5 6 2 16 90 D 3 6 10 2 21 110 27
  • 28. Diyaarinta Dukumentiyada  Iyada oo si loo dhaqangeliyo Bayaanka Dhismaha Dukumentiyada loo baahan yahay ay ka mid yihiin Bayaanka Dhismaha Itoobiya, Xeerka Dhismaha iyo Awaamiirta Dhismaha iyo sidoo kale 11-ka Koodhasha heerarka Dhismayaasha Itoobiya (Ethiopian Building Code Standards) ayaa waxaa lagu hawllan yahay in dukumentiyadan laga sameeyo koobiyo ku filan deegaan walbana la siiyo toban-toban koobi, magaalooyinka ay ku nool yihiin dad ka badan 20,000 oo qofna min shan koobi oo lacag la’aan ah.  Liistada Koodhadhka Heererka Dhismayaasha Itoobiya a) Basis of Design and Action on Structures ------------------------ EBCS-1 b) Structural Use of Concrete ----------------------------------------------- EBCS-2 c) Design of Steel Structures ----------------------------------------------EBCS-3 d) Design of Composite Steel and Concrete Structures ------------ EBCS-4 e) Utilization of Timber --------------------------------------------------------- EBCS-5 f) Design of Masonry Structures -------------------------------------------- EBCS-6 g) Foundations -------------------------------------------------------------------- EBCS-7 h) Design of Structure-s for Earthquake Resistance ----------------- EBCS-8 i) Plumbing Services of Buildings ------------------------------------------- EBCS-9 j) Electrical Installation of Buildings ----------------------------------------- EBCS-10 k) Ventilation and Air Conditioning of Buildings ------------------------- EBCS-11 28
  • 29. Baahida Qalabka  Iyada oo laga duulayo caddadka cududa shaqaale in la diyaariyo calaa qof qalabka uu u baahan yahay ee /Miis, Kursi, Kombiyuuter,iwm..);  Baahida gaadiidka Dabagalka dhismayaasha oo lagu saleeyo magaalo kasta dhaqdhaqaaqyada dhismayaasha ayaa loo diyaarin karaa 1—5;  Nooca Gaadiidkuna: iyada oo loo eegayo baaxada magaalada iyo dhaqdhaqaaqyada dhismayaasha ee ka socda ayaa si isku mid ah loogu kala duwanaan karaa laga bilaabo Baaskiil ama Mooto, Baskiilad ilaa Pickup. 29
  • 30. Qaab-socodka Xulashada Sargaalka Dhismaha, Xilka iyo Waajibaadkiisa  Qaab-socodka Xulashada Sargaalka Dhismaha • Sida ku cad bayaanka dhismaha, sargaalka dhismuhu waa xubin loo magacaabayo Magaalooyinka laga dhaqangelinayo Bayaanka dhismaha, waxaana soo magacaabaya Gudoomiyaha Maamulka Magaalada ama cida loo wakiishay amaase Maamulaha degmada magaalada kamidka ah ee loo xilsaaray. • Sargaalka Dhismaha ee la magacaabayo waxa uu noqonayaa qof aqoonta Arctechture, Civil Engineer, Construction Technology Management ama aqoonta kale ee la hal-maasha ku haysta Digriiga heerka koowaad isla markaasna leh khibrad waaya’aragnimo oo la xidhiidha Hubinta diyaarinta naqshada ama hawlaha dabagalka iyo baadhista dhismaha. Xirfadaas ka-sokowna:- • Mudadii uu soo shaqaynayay ku caanbaxay natiijo shaqo oo wanaagsan; • Mid leh anshax wanaagsan oo ka nadiif ah belwadaha (Alchol iyo ) belwadaha xunxun ee la halmaala; • Inuu leeyahay karto wax qorshayneed, karti xidhiidhineed iyo karti hoggaamineed; • Inuu leeyahay waxqabad dhab ah iyo aragti hufan • Inuu leeyahay jkoox ku-shaqayn iyo dareen lahaansho • Inuu yahay mid shiishka saara macaamiisha lehna karti xidhiidh • Inuu leeyahay rabitaan wax ogaansho, xalna keeni kara; • Inuu noqdo qof hodan ku ah aqoontiisa kartina u leh shaqaysi iyo kashaqaysiin. 30
  • 31. Qaab-socodka Xulashada Sargaalka Dhismaha, Xilka iyo Waajibaadkiisa  Xilka iyo waajibaadka Sargaalka Dhismaha  Sargaalka Dhismaha ee uu magacaabayo maamulka magaaladu si uu u fulin karo dhaqangelinta bayaanka dhismaha, ayuu yeelanayaa xilka iyo waajibaadyadan hoos ku xusan:- • Waxa sameeyaa dabagal adag oo uu ku xaqiijinayo in dhismayaasha laga wado xuduuda maamulka magaalada, kuwa laga wado meelaha ka baxsan magaalada balse Bayaanka laga dhaqangelinayo iyo kuwa loo igmaday inuu dabagalo intuba in dhismahoodu waafaqsan yahay Bayaanka Dhismaha, Xeerka iyo Awaamiirta iyo shuruucda la halmaasha ee kale; • Hadii lala kulmo dhismayaal iyagu ka hor imanaya/aan waafaqsanayn xeerarka iyo qodobada bayaanka, xeerka iyo awaamiirta ayuu kelifayaa in la joojiyo, la hagaajiyo ama la dumiyo; • Isaga oo dembiyada ka dhanka ah xeerarka iyo shuruucda ee la sameeya saaraya ganaax maamul, isla markaasna xaqiijinaya in la saxay ayuu bixiyaa go’aanka sii wadista dhismaha; 31
  • 32. …Qaab-socodka Xulashada Sargaalka Dhismaha, Xilka iyo Waajibaadkiisa • Waxa uu leeyahay awood buuxda oo uu ku amro in baadhitaan lagu sameeyo dhismayaasha lagu dhaqangelinayo bayaanka, xeerka iyo awaamiirta dhismaha ee ka socda deegaankiisa iyo meelaha uu dabagalka u xilsaaran yahay, hadii uu u arko inay khatar ka imaan kartana amro in sida ugu dhakhsaha badan loo saxo arrimahooda ama kedib marka la soo hordhigo warbixin xirfadeed go’aamiyo in la dumiyo dhismahaas;; • Hadii xadka maamulkiisa aan laga helayn xirfadle u qabta shaqo loo baahan yahay, waxa uu awoodi karaa inuu qaab waafaqsan sharciga ku haboon heshiis kontaraad ah ugu shaqaysiiyo xirfadlaha isagu diiwaangashan ee khibrada u leh shaqadaas loo baahan yahay; • Marka uu dhamaado dhismaha Dhismayaasha heerkoodu yahay “c” ayuu siinayaa fsaxa isticmaalka; 32
  • 33. …. Qaab-socodka Xulashada Sargaalka Dhismaha, Xilka iyo Waajibaadkiisa  Hawlaha la Qabanayo  Qaybta Fasaxa Dhismaha • Waxay qabataa codsiga fasaxa dhismaha • Xaqiijinta inay u dhan yihiin xogihii/shuruudihii looga baahnaa; • Kharashka adeega oo laga shubo loo adeegaha; • Baadhida naqsshadaha iyo codsiyada la soo dhaweystay; • Wixii sixitaan u baahan oo loo celiyo loo adeegaha; • Kuwa ay u buuxaana inuu u hordhigo sargaalka si uu ugu ansixiyo; • Marka uu sargaalka dhismuhu ogolaado in kharashka laga shubo lana siiyo fasaxa dhismaha; 33
  • 34. …Qaab-socodka Xulashada Sargaalka Dhismaha, Xilka iyo Waajibaadkiisa  Dabagalka iyo La-socodka Dhismaha  Waxay hubiyaan inay dhan yihiin xogaha loogu baahan yahay dabagalka dhismaha;  Waxay dabagal ku sameeyaan, taakulayna u fidiyaan sidii loo adeeguhu dhismaha ugu bilaabi lahaa wakhtiga lagu siiyey fasaxa dhismaha;  Xaqiijinta shaqada Irkinada Ogeysiiska lagu soo bandhigay ee dhismayaasha heerka “C”;  Xaqiijinta in dhismaha heerka “C” ee bilaabay adeeg-bixinta la siiyey fasaxa isticmaalka;  Dabagalka in dhismayaasha laga wado deegaanka ama maamulka magaalo ay u socdaan qaab waafaqsan nidaamka dhisme ee loo fasaxay. 34