1. QALBIGA
LOLANKA
FALASTIIN-QUDUS-AQSA
DULKA-DADKA-DIINTA
IYO
DAGAALKA LAGA WADA
WAR SUGAAYO
2. Personal Information
Zayid Cazaam Al-Muxtarim
Abdilahi Sh:Abduqadir Sh:Jamac
Journalist at Subulaha News Network
Writer at HIMILO monthly news paper
Computer Application Teacher, Hope N. Institute
Student in Amoud University
Faculty of Economic and Management
Participator in many social clubs
such as MAKAX MAAL Reader’s Club.
Member Nadiga Bandhiga Cilmiga Iyo Caqliga
Inserts History, Story, Philosophy, Ideologies, Politics, Media
and Economic
Address:-
00 2522 44 56 05 4
rage456@hotmail.com
Facebook.com/almuxtarim
Twitter.com/almuxtarim
YouTube.com/zayidcazaam
4. FALASTIIN TARIIKH AHAAN
Falastiin waa dhulka xadaarada aadmuhu inta la garanayo ugu
horaysay meel ladago 11,000 oo sano ka hor(9,000Bc), Waxana ku
taala taariikhda magaalo la dago tii ugu horaysay Arixa(( اريحاoo
jitra 8,000 sano.
Dhulka Falstiin cidii ugu horaysay ee dagtaa waxay haeyeen
shacbkii KANCANIYIINTA( 4500 (الكنعانيينsano ka hor, Bilawgiina
waxa loo yaqaanay dhulkii KANCAAN. Shacabka falastiin ee hada
joogaana waa tafirtii kancaaniyiinta iyo cidii ku dhex milanta ee
shucuubta bada cad/dhexe iyo qabaa’ilka carabta. Inkastoo ay
falastiin xukumeen umado kalo duwan hadan dadkeedu intaas oo
dhan iyagaa daganaa.
Shaabka falastiina waa dadkii muslimay isla markaana luuqadoodu
carabawday kadib markii islaamku furtay 15H, 636M xiligi Cumar
bin khadaab.
5. Sheegashada Yuhuuda ee ah in ay xaq taariikhiya ku leeyihiin
Fastiina waa arin iska been abuura waayo Falasiiniyiinta carbeed
ee Muslimiinta ahi waxay falastiin ku noolaayeen oo ay camirayeen
mudo 1500 oo sano kahor inaa ayna yuhuudu ka dhisan
dawladoodii BOQORTOOYADA DAA’UUD.
6. YAHUUDA IYO SAHYUUNIYADA
Yuhuudiyadu waa diintii nabi MUUSE nnkh oo la dhalin gadiyay
dadka haystaana waa tirsan oo caalamka aan had dhan 6 Milyan.
Sahyuuuniyadu waa dhaq dhaqaaq Yuuudeed oo ku dhisan fikrad
qoomiya oo odhanaysa in yuhuudu iskugu soo ururaan dhulka
falastiin halkaan ay ka dhistaan dawladooda iyaga ugaarkaa dhul u
dhexeeya NIIL ilaa FURAAT.
August 1897 ayaay ku aas asantay Sahyuuniiyadu dalka
Iswiserland, Waxana hogaaminaayay Suyuudoor Hetisel,
Waxay isku xidhay Mashrucii Gumaysiga waxaana aad u taageeray
Engriiska oo soosartay 2 Nov 1917 balaaadkii Belfor oo sheegayay
in Yuhuuda wadan qawmiya looga dhiso Falstiin.
England Si ay balan qaadkaa u fuliso waxaa ay Qabsatay Falastiin
1918.
7. QIXII YUHUUDA
Intii uu ingiriisku haysta Falstiin (1918-1948) wax uu al baabada u
furay Yuhuuda oo tiro aad u farabadan ugu soo guuray dalk.
Waxaa aad kor ugu kacay tirada Yhuuda Faastiin ku nool
55kun(1918) ilaa 646kun(1948)
Waxa kale oo ay taageertay in Yuhuudu dhulka yeelato, waxana
kor u kacay dhulka ay yuhuudu ledahay 0.5 Milyan Dunum(2%)
ilaa 800 kun Dunum(6.7%)
Waxa u suura galay Yuhuuda in ay dhisaan hay ado Waxbarasho,
Dhaqaale, iyo Ciidan oo ay kamid ahaayeen Kooxihii HAGANA,
ARIGON iyo Shitiiran
Sandii 1948 yuhuuhu waxay lahaayeen 292 Degan iyo ciidan ka
adan 70,000 oo askari oo ku baahsan kooxaha kala duwan
waxayna u diyaar galoobeen In ay dhisaan dawladooda.
8. ISRA’IL MARKAY DHALATAY
Sahyuuniyiintu waxa ay ku dhawaqeen dawladoo galabnimadii 14-
May-1948 waxaana u suura gashay in ay jabiyaan cidamadii
carbeed ee xiligaa la galay dagalka.
2
Waxay qabsadeen 77% (20770KM ) ,
Waxa ay qixyeen 800,000 oo Falastiini ah(Dhulka ka baxsan intii ay
markii hore dawladooda ka dhisteen oo tiraadoodu ahayd 925 000
oo qof).
Waxay dumiyeen 478 Tulo (585 tuulo)
Waxay galen 34 xasuuq.
Itaa kadib Dhulkii soo hadhay waxaa kala qaatay Urdun(Daanta
galbeed) iyo Masar(Marinka Qaza)
9. 67 MATKII QUDUS LA QABSADAY
Dagaalkii 67kii waxa uu ahaa jabjii ugu qadhaadhaa ee soo mara
maamulada carabta, Malmo gudohood ayay Isra’il ku qabsatay in tii
hdhay falastiin {Qaza iyo Danta Galbeed} iyo waliba Taagaga
istaraatijigaa ee JOLAN(suriya) iyo Saxaha Siinaa(Masar).
Dagaalkaa waxa ka mid ahaa dhulki ay qabsatay Isra’il Magaalada
Barakaysan ee Qudus. Oo ay u yaqaanaan Jerusalem oo ka timid
kalmad Cibriya oo ah Yuurshaaliim.
Qudus waxa ay ahad Ciwaanka loolanka, Sida uu hogaamiye
Israa’ili ahi ku yidhi Hogaamaihii Falastiin Carafaat (Waxkasta hadii
aan ka tanaasulno lagama yaabo in aan Qudus ka tanaasulno)
Qudus waxa ay Huhudu rabtaa in ay ka dhisaan Haykal Sulaymaan
wax ay u yaqaan halka uu ka dhisan yahay Masjidka Al-Aqasa.
10. KACAANKA FALSTIIN
Inkata oo laga awood waynaa Shacabka Falastiin hadana marna
raali kama noqon waxa socda, waana uu diiday Gumaysiga
Ingrisiiska iyo mashruuca Sahyuuniyada.
Waxa kacay ururo wadani iyo islaami ah oo ay horkacayen Musa
Kaadim iyo Xaaji Amiin Xusayni.
Waxa kale oo shacbku sameeyay kacaano fara ban sida
Qudus(1920), Yafa(1921), Buraaq(1929), Oct(1933),
Dhacqadhaqaaqii Jihaadigii ee hogaaminaayay Sh:Cizidiin Al-
Qassam, iyo Ururki Jihaadka Barakaysan ee u hogaaminaayay
C.qaadir Al-Xusayni.
1948 ilaa 1967 waxaa mashruuca xoraynta falastiin gacanta ku
hayay Dawlaha carabta oo uu horkacayay Jamal C.naasir madax
waynihii hore ee Masar.
1964tii waxaa la as asay Ururka Xoraynta Falstiin (P.L.O) waxana
gudoomie ka noqday Axmed Shaqiiri oo uu taageersanaa Jamal.
11. 1974 haganadu carabtu waxay go’aan ku gaadheen in (P.L.O) ay
tahay cida kaliya ee matasha shacabka falastiin, Isla sanadkaana
waxaa kursi korjooge ah laga siiyay Qaramada Midawbay.
Intaa wiixii ka danbeeyay waxaa bilaabmay ururo iyo
dhaqdhaqaayo falastiini ah, Waxaa as asmay ururka Fatax,
Jabhada Shacbigaa iyo ururo kale oo badan.
1968 waxaa ku soo biiray P.L.O ururo cusuboo falsatiiniyiin ah,
waxaana hogaanka u qabta YASIR CARAFAAT oo aha
hogaamiyaha Fatax.
P.L.O marba marka ka danbaysa way sii daciifaysay, ilaa ay
bilawday in ay wada hadalo la gasho israa’il oo ugu danbaytiina ay
aqoonsatay sharciyada jiritaanka Isra’il anadii 1993.
Waxaa xiligaa socda dhagaxtuurkii koowaad oo bilaabay 1987,
waxaan awooday Uruda Islamigaa Sida XAMAS oo as asantay 14-
dec-1987 iyo Jihaad Al-Islami.
Ururadani waxay awooda sareen dhaqdhaqaaq xornimo doon ah
oo hubaysan waxana badal lagu kalsoon yahay k anoqdeen
maamulada carabta iyo dhaqdaqqii P.L.O ee hogaaminaysay
Fatax.
12. Heshiiskii P.L.O lagashay Isra’il waxaa kamid ahaa in ay
salastiiniyiintu dhistaan maamul hoosaad.
Dhismaha maamulkan wax uu qaatay wakhti dheer, Ugu
danbayntiina 2006 aya la qabtay dooroshooyinkii Waxaan aqlibiyad
baladhan ku guulaystay barlaaminkii la dortay Uruka Xamaas.