2. TEETANAHA DHALAANKA IYO HOOYADA
Somalia is among the Countries with the worst healthIndicators in the World
Breakthrough in the fight against Tetanus:
Over half of 59 high priority country have achieved great success.
Fiiri Gaar : 2 Doolar ayaa ku filan in Hooyada iyo Dhalaankeeda laga Talaalo
cudurka Teetanaha.
Teetanaha Dhalaanka iyo Hooyada.
Teetanaha waa cudur halis ku ah nolosha Hooyada iyo cunuga xilliga dhalmada,
wuxuuna ka mid yahay sida Soomaalida ay u taqaan lixda cudur ee dilaaga ah, waa
cudur aan daawo u gaar ah lahayn, sida cudurrada kale ee dilaaga ah waxaana looga
hor'tagi karaa oo keliya iyadoo la adegsado Talaalka.
Teetanaha wuxuu cudurada kale ugu duwanyahay, waa cudur aan leysku gudbin oo
saameeya keliya qofka uu ku dhaco.
Wadamada horay u maray waxay ku guulaysteen in ay ka ciribtiraan Teetanaha iyo
cudurro kale wadamadooda guushaas oo ay ku gaareen iyagoo si balaaran u
adeegsaday ilaa iyo haatana adeegsanaya Talaalka.
Hase ahaatee Teetanahu wuxuu fara kulul ku haayaa Wadamada saboolka ee Dunida
seddexaad.
Waxaa la xaqiijiyay in wadamadaan daqiiqad kasto ay u dhintaan Teetanaha caruur
tiradooda lagu qiyaasay 10, halka 170 Milyan oo isugu jira caruur iyo dumar ay qatar
ugu jiraan in uu Teetanaha saameeyo.
2 arimood oo muhiim ah ayaa sabab u ah in Teetanahu u sameeyaa dhalaanka iyo
hooyada xilliga dhalmada.
3. 1) Hooyada aan markeeda hore qaadan Talaalka Teetanaha waxay qatar ugu
jirtaain cudurkaan dilaaga ah ay u dhimataa xilliga dhalmada sidoo kale
teetanaha wuxuu halis ku yahay nolosha cunuga goortuu dhasho maadaama
uu jirkiisa haysan unugyadii ka difaaci lahaa Teetanaha bilooyinka ugu
horeeya ee noloshiisa.
2) Markuu cunuga dhasho goorta xudunta laga jarayo oo badi loo isticmaalo
aalado aan nadiif ahayn (unsanitary) siiba baadiyaha, tuulooyinka iyo
dumarka guryaha ku dhala oo an haysan gargaar Caafimaad oo wanaagsan.
Inta u dhimata cudurka Teetanaha sanadkiiba waxaa lagu qiyaasaa boqolaalo kun oo
isugu jira Dumar iyo Dhalaankooda, dhimashadaan tirada badan waxaa looga
guulaysan karaa in dumarka ku jira da'da dhalmada la wada Talaalo, hadii ay midaa
adkaato in lagu dadaalo in xilliga uurka hooyada laga Talaalaa Teetanaha isla
markaana ay awood u yeelan karto in ay Dhalaankeeda u gudbiso unugyada ka
difaaca Teetanaha.
Waxaa hubaal ah in Aduunka ka hortagga iyo la dagaalanka cudurka Teetanaha
Dhalaanka iyo Hooyada guul weyn oo la taaban karo laga gaaray iyadoo lagu
dhawaaqay in 2015 gudaheeda Teetanaha Dhalaanka iyo Hooyada laga ciribtiro
Aduunka.
1988 iyo sanadihii ka horeeyay waxaa sanad kasta u dhiman jiray Teetanaha 787.000
oo Dhalaan ah.
Laga bilaabo 1999 waxaa lagu guulaystay in 52 Dal laga talaalo 118 Milan Dumar ku
jira da'da dhalmada.
2000 dhimashada la xiriira cudurka Teetanaha hoos ayuu u soo dhacday iyadoo
200.000 (dhimashada) soo istaagtay sanadkii.
2010 dhimashada Teetanaha lala xiriiriyo waxay timid 58.000 oo dhalaan sanadkii.
4. Waa guul weyn u soo hoyatay Aduunka waana farxad in kumanaan Dhalaan iyo
Hooyadood laga badbaadiyay cudurka dilaaga ee Teetanaha.
Inkasto ay guushaan jirto haddana 28 Dal oo hails ugu jirto Cudurka Teetanaha ayaa
weli la dhutinayo in ay ku guulaystaan la dagaalanka Teetanaha, guul darsadaasi oo
ay sabab u yihiin dagaalo, amni xumo, siyaasad xumo, musuqmaasuqyo iyo dhaqaalo
xumo.
Dowladaha ku guulaystay in Dalkooda ay ka cirib tiraan Teetanaha Dhalaanka iyo
Hooyada waxaa ka mid ah: bangladesh, Burkina Faso, Burundi, Camerun, Cina,
Comore, Repubblica del Congo, Costa d’Avorio, Egitto, Eritrea, Ghana, Guinea
Bissau, Iraq, Liberia, Malawi, Mozambico, Myanmar, Namibia, Ruanda, Senegal,
Sudafrica, Tanzania, Timor Est, Turchia, Uganda, Vietnam, Zimbabwe e Zambia.
Dalalka weli ku howlan la dagaalanka Teetanaha Waa ka mid ah: Afghanistan,
Angola, Cambogia, Repubblica Centrafricana, Ciad, Repubblica Democratica del
Congo, Guinea Equatoriale, Etiopia, Gabon, Guinea, Haiti, India, Indonesia, Kenya,
Laos, Madagascar, Mali, Mauritania, Niger, Nigeria, Pakistan, Papua Nuova Guinea,
Filippine, Sierra Leone, Somalia, Sudan, Sud Sudan e Yemen.
Talaala caruurtiina, Talaala gabdhihiin yar-yar, Talaala Dumarka ku jira da'da
dhalmada.
Dott. Abuukar Nuur Xuseyn.
https://youtu.be/5ng9Two9u4Y